Degmadda Sallaxley: Roob Xoogan oo Dabaylo wata oo Khasaare kala duwan Gaystay

Roob xoogan oo dabayl wata oo  Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley ayaa Khasaare kala duwan gaadhsiiyey Goobo dawladeed iyo Guryo dadweyne oo Ku yaala Magaaladda Sallaxley.

Photo Biyo xoogan oo ka dhashay Roobka ka da’ay Sallaxley

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed  oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay uu khasaare soo gaadhsiiyey Dugsigii Sare ee Degmadda, Kii Hoose dhexe ,Cisbitaalkii iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley.

Photo ka mid ah dhismayaasha Roobku dumiyey

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa kale oo uu sheegay in hal qof oo dumar ahi ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Cisbitaalka degmaddu iyadoo laga saaray bukaanadii ku jiray Cisbitaalka degmadda Sallaxley.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker