Wadanka Turkiga Ayaa Hakiyay Howlgalkiisii Miletari Ee Wadanka Syria. + Sababta.

Istanbul-(OWN)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay in waddankiisu uu si ku meel gaadh ah u hakin doono howlaha militari ee ka dhanka ah xoogagga Kurdishka ee uu Maraykanku taageero ee jooga woqooyiga bari ee dalka Syria, isagoo soo xiganaya wadasheekeysi khadka taleefanka ku dhex maray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump toddobaadkii tegay.

“Wadahadalkii in dhex maray Mr. Trump, iyo sidoo kale xidhiidhka aan la yeeshay diblomaasiyiinteena iyo qaybta amniga, iyo hadalka qoraalka ah ee ka soo baxay dhinaca America ayaa noo horseeday in aan waxoogaa kaadsano,” ayuu yiri Erdogan intii ay socotay munaasabad abaalmarin ah oo ka dhaceysay magaalada Istanbul.

Mililtrariga Turkishka ayaa bilaabay howlgal ay kaga soo horjeedaan dagaal-yahanada Kurdishka ah ee loo yaqaano YPG bishii Januray iyagoo la wageeray magaalada Kurdishka ee Afrin ee ku taala woqooyiga-bari ee dalka Syria.

Militariga ayaa toddobaadkii hore ku sigtay in ay sameeyaan isbalaarin kale oo ka dhan ah YPG, iyagoo markan ku gooddinaya inay cagta marin doonaan guud ahaan dagaalyahanada ka soo jeeda gobolka woqooyiga bari ee dalka Syria, halkaas oo xoogag gaaraya ku dhowaad 2,000 oo ciidamo gaar ah oo Maraykan ah ay ka howgalayeen, iyagoo gacan ka geysanaya dagaalka lagaga soo horjeedo kooxda Daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker