Mozambique oo beenisay inay wax ka ogeyd markabkii siday maaddadii ku qaraxday Beyruut

Mas’uuliyiinta dekedaha dalka Mozambique ayaa beeniyay inay wax ka ogaayeen markabkii siday maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday magaalada Beyruut, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Markabka ayaa ku wajahnaa dekedda Beira ee ku taalla bartamaha Mozambique, sannadkii 2013-kii ayaa la sheegay in markabka uu maaddada ammonium nitrate ku dejiyay dekedda Beyruut isla markaana lagu keydiyay bakhaar ku yaalla halkaas.

“Shaqaalaha dekedda wax war ah kama heyn in markabka MV Rhosus uu kusoo wajahnaa dekedda Beira” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay mas’uuliyiinta dekedda.

Balse sarkaal sare oo ka tirsan waaxda dekedaha Mozambique oo aan dooneyn in magaciisu la sheego ayaa AFP u sheegay “Inkasta oo uu markabka ku wajahnaa dekedda Beira, maaddada uu siday markaba kuma aysan wajahneyn Mozambique balse waxay ku wajahneyn Zimbabwe ama Zambia, sababta oo ah maaddada ammonium nitrate waxaa laga sameeyaa waxyaabaha qaraxa dhaliya ee lagu soo saaro macddanta”

Marine Traffic oo ah waax la socota dhaqdhaqaaqyada maraakiibta ayaa sheegtay in markab uu ka dul babanayay calanka Moldova uu markii ugu horreysay ku xirtay dekedda Beyruut 20-kii bishii Nofembar ee 2013 isla markaana uusan weligii halkaas ka dhaqaaqin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker