Falanqaynta Miisaanka Heesta “Qushuuc”

Dhawr qof oo kala duwan ayaa i soo weydiiyay miisaanka ama godka ay ku socoto heesta cusub ee ‘Qushuuc’, taas oo uu midhaheeda curiyay Cabdirisaaq Xaamud Jaylaani. Runtii heestaasi liiska godadka ii diwaangashan kumay jirin, oo waa ay igu cusbayd. Se markii aan dhuuxay meerisyada  heesta waxa ii soo baxay aroorka iyo salka ay ka soo jeeddo.

Sideedaba godadka maansadu ma aha dhudo kala madaxbannaan oo aanu xidhiidh ka dhaxayn, se waa laamo geedka tixda ku wada yaal, oo xidid wadaagga.

 

Marka loo abtirinayo godadka maansada waxa loo qaybiyaa dirar kala duwan, haddaba heesta Qushuuc waxa ay la bah tahay dirka ‘jiiftada iyo walaalaheed.’ Dirkaas waxa aan u hayay oo liiska iigu jirey 23 god, oo ugu gaaban yahay ‘mooyaha, 4 shaqal’ uguna dheertahay ‘boodaanta, 21 shaqal.’ Laba god oo heestan Qushuuc ka kooban tahay marka lagu daro waxa ay noqonayaan 25 god.

 

Heesta: Qushuuc

Dhererka: 19 Meeris

Xarafraac: Q

 

Heestu waxay ka kooban tahay 19 meeris. 11 meeris waa isku god, 7 meerisna waa isku god, meeriska soo hadhayna wuu jaban yahay miisaan ahaan. Labada god oo aan lahayn weli magac, waxaynu ku kala calaamadsan doonnaa dhererkooda. Aynu ku summadno  god-19 iyo god-17.

 

God-19, oo ah ka ay heestu u badan tahay, waxa uu la god yahay qasiidada ‘Guullow’ ee Xasan Cilmi, oo aan filayo in sitaad ama hees dhaqameed laga soo dheegtay.

 

Garannoo adduun waa geeddiyoo, laga guurye

Guulloow Alloow aakhiro na gee, guryo raaxo.

 

Barbardhig midhaha heesta:

 

Qalbigaa jacayl u qaboo mid kale, qabanaynin

Mana qoomayn barashada mar qudha, ma qabyaynin

Qofkan aan jeclahay farxadaan ku qabo, ma qiyaasna.

 

1. God-19

 

Magaca: (?)

Dherer: 19 shaqal

Habdhac: 2  2   (1)  2   2   2   (1)  2  2   2    (1)

Halbeeg: Hoobeey hobeey hoobeey hobeey, hoobeeyo.

 

God-19, haddii aynu sii furfurno waa laba qaar hojis iyo hooris. Hojisku waa godkii ‘aloolka’ hooriskuna waa godkii ‘guuguule’.

 

[Qalbigaa jacayl u qaboo mid kale] + [qabanaynin]

 

B.  Godka Aloolka¹

 

Dherer: 14 shaqal

Habdhac:  2  2  (1)  2  2  2  (1)  2

Halbeeg: Hoobeey hobeey, hoobeey hobeey

 

Alla waa xujooy alla waa xujooy

Geel xerada diidaa waa xujooy

Xero kale ka ololaa waa xujooy.

 

T. Godka Guuguule

Dherer: 5 shaqal

Habdhac: 2   2   (1)

Halbeeg: Hoobeeya

 

Guuguule

Guugii da’

Kakac guurso.

 

Marka meeris  alool ah lagu daro guuguule, waxa inoo soo baxaya god-19

 

Alla waa xujooy alla waa xujooy + guuguule

Qalbigaa jacayl u qaboo mid kale + qabanaynin

 

Haddaba, 11-ka meeris ee heesta Qushuuc ee godkan ku arooraa waxa ay kala yihiin:

 

Qalbigaa jacayl u qaboo mid kale, qabanaynin

Mana qoomayn barashada mar qudha, ma qabyaynin

Qofkan aan jeclahay farxadaan ku qabo, ma qiyaasna

 

Isma quudhsanoo qabku wuu xunyee, ka qashaafnay

 

Jacayl qiimaliyo dareen qaayo badan, isu qiranay²

Anigoon qawadin nolol qaybsanoo, u qushuucay

 

Siday tahay qardhaas wadnahaan ku qoray, qumantayda

 

Qun u yeelatoo qalanjadu naftii, qandaraastay

Qabsatoo kashaa qayrkeed u jecel, qawlkeeda

Anagoo hal qudha qorshe yeelanoo, qabyo diidnay

Qadaf waa dhacaa kaayaga qaldamay, saxa qaaday.

 

Meerisyada soo hadhay waxay ku arooraan god-17

 

2. God-17

 

Magaca: (?)

Dherer: 17 shaqal

Habdhac: 2  2   (1)  2   2   2   (1)   2   2    (1)

Halbeeg: Hoobeey hobeey hoobeeyo, hoobeeyo.

 

God-17, haddii aynu sii furfurno isna waa laba qaar hojis iyo hooris. Hojisku waa godkii ‘hagarlaawe’ hooriskuna waa godkii ‘guuguule’. Guuguule waynu soo aragnay, ee hagarlaawe muxuu yahay?

 

[Igamuu qasaarine dookhu] + [qof san ii xul]

 

B.  Godka hagarlaawe

 

Dherer: 12 shaqal

Habdhac:  2  2  (1)  2  2  2  (1)

Halbeeg: Hoobeey hobeey hoobeeya

 

Gaaliyo wixii jeceloow jab

Muslin iyo wixii jeceloow jir

 

Marka meeris hagarlaawe ah lagu daro meeris guuguule ah, waxa inoo soo baxaya god-17.

 

Gaaliyo wixii jeceloow jab + guuguule

[Igamuu qasaarine dookhu] + [qof san ii xul]

 

Haddaba 7-da meeris ee heesta Qushuuc ee godkan ku arooraa waxa ay kala yihiin:

 

Qofba waa qofkiise qofkaygu, waa qaali

Qudhba waa qudheede qudhiisu, igu qanacsan

Igamuu qasaarine dookhu, qof san ii xul

Qosoliyo kalgacal waqtigayga, kula qaatay

Axdi qara lihiyo balan qoysa, wada qaadnay

Naftu way qirtee quruxdeeda, laysla qaaday

Qacda eegmadiyo arageeda, ku qaboobay

Halka meeris ee soo hadhay, oo miisaan ahaan jaban waa:

Qotonkeeda iyo qaab dhiskeedu, is quweeye

Gunaanadkii, heestani waxa ay ka mid noqon doontaa heesaha horseedka u ah adeegsiga godadka aanay cagtu ku badnayn ee maansada Soomaalida. Cabdirisaaq Jaylaani oo godadkan habaaska ka tumay, isna wuu mahadsan yahay.

______________

1. Aloolka laftiisu wuxuu ka kooban yahay laba meeris oo ‘maqaley’ ah.

2. Meeriskan culays ayaa ku jira, waayo laba farcame oo laga maarmi karayay ayaa galay.

 

WQ: Cali Ileeye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker