Xukunka Salaadda Jimce, Marka Ay Kulmaan Ciid Iyo Jimce

Markii aan qalinka u qaatay si aan u baadho mas’aladan,  culimadu waxa ay ka qabaan saddex aragtiyood :

 

1. Maalikiyada iyo Axnaaftu ,  sida sugan waxa ay ku tageen, in haddii ay kulmaan ciid iyo Jimce aanay midkood ka kale ridayn (ka saari Karin booska), waxaana ku waajibtay qofkakara tukashada Jimcuhu in uu tukado xitaa haddii uu ciiddii tukaday, waana isku mid haddii uu yahay mid magaalada dhex deggan iyo mid tuulooyinka deggan.

 

Caalimka Ibnu Caabidiin wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Xaashiyaha in haddii ciid iyo jimce kulmaan in mad’habkoogu (Axnaaftu) ay labada wada tukanayaan.

 

Imaamu Dasuuqi  (oo Maalikiyada ah) isna Xaashiyaddiisa wuxuu ku sheegay in haddii Ciid iyo jimce isku beegmaan aanay u bannaanayn qofka salaaddii ciidda tukaday in uu ka dib dhaco salaadda jimce, waana isku mid gurigiisa joogyaa iyo tuulooyinka ku sugnaayaaba.

 

2. Shaaficiyaduna waxay ku tagtay inaanay salaadda Jimce ka dhacayn (laga dhaafayn) dadka magaalada ee tukaday salaaddii ciidda, waxayse ka dhacaysa dadka meelaha miyiga iyo tuulooyinka ee ka fog magaalada ku sugan ee ay jimcadii ku waajibtay maaddaama ay maqlayaan yeedhmada, waxase shardi ah inay magaalada u yimaaddeen si ay u tukadaan salaaddii ciidda, waxa kale oo shardi ah in ay magaalada ka baxaan inta aan salaaddii jimce u soo galin, haddii ay taasi dhici waydo waxaa saaran in ay tukadaan.

 

Ramli gu wuxuu ku sheegay kitaabta Nihaayatul Muxtaaj: “Haddii ay ciiddu ku soo beeganto jimce oo ay yimaaddaan dadkii tuulada ee ay gaadhay yeedhmadii eedaanka salaadda Ciiddu , waxa saaran in ay noqdaan salaadda ka hor waanay ka dhacaysaa.

 

3. Xanaabiladuna waxa ay leeyihiin : ( Haddii ciiddu ku beeganto maalin jimce ah qofka waxaa ka dhacaya (aanu imanayn) salaadii jimce mar haddii uu yimid salaaddi ciidda,  mana aha inaanu tukanayn duhur, wuu tukanayaa duhurkii , balse jimcaha ayaanu imanayn.

 

Maxaa keenay khilaafka?

 

Waxaa lagu kala fahan duwanaaday axaadiistan ka sugnaatay Nebiga(Calayhisalaam)

 

Xadiiska Abii Hurayrah (RC) ; (Waxaa idiin kulmay maanta laba ciidood, qofkii doona waxay ka gudaysaa Jumcaha(salaaddii ciidda kaga filan jimcihii), Anaguse waan isku daraynaa)

 

Waxa jira Ficil ka sugnaaday Saxaabigii Cabdilaahi Ibnu Subayr oo sheegaya inuu israaciyay Salaaddii Ciidda iyo Jimcaha,  waan Qawl shaad ah oo aan awood badan lahayn ,si kasta oo loo qurxiyo , sababtuna waa iyadoo bushin badan dhexdiisa tahay sida in uu Xilli danbe tukaday Ciiddii oo uu is raaciyay. labadaba

 

WQ: Cabdiraxmaan Barre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker