Saami-qeybsiga maaha Halbeeg lagu qeybsan karo Kuraasta Golaha Parliment (Wakiilada iyo Guurtida) Somalilad. Qalinkii Maxamuud Biixi

Hordhac

 

…waxa isasoo tareysa murano kolba mugdi galinaya qabsoomidda doorashooyin ka dhaca
Somaliland gaar ahaa golayaasha parliament ka iyo deegaamadda.
Hadaba deegaan garanay oo masilaad goob cayiman oo dadka degani isku doortaan, sidii wax
looga qaban lahaa, beylahdooda deegaan, sida horumarinta biyaha, nadaafada, wadooyinka,
tacliinta iyo waxii la mid ah, iyadoo loo eegayo darajada degmadaasi kolba tahay.

 

Arinka matalida parliament-ku waa mid aan xidhiidh sharci, mid qabiil iyo mid siyaasadeed
toona laheyn. Oo waxa kaliya ee jaangoynaya, waxa weeye kaliya. Dadka degan ama ku nool
gobtaas, hadii ay tahay, mid kursi doorasho la dhigo(constituency) ama hadii ay tahey mid
gobol(semi-closed) ama hadey tahay mid ah hab xidhan oo xisbigu ku sar-goosanayo codka guud
ee dalka ka helo, tartamayaashuna si taxane ah u qoran yihiin(closed list).

 

 

Somaliland waa mid hore u aheyd mid kuraasta loo qeybin jirey deegaamada gobolka, kursi
walba cid gooniya ayaa loogu baratami jirey xiliyadii 1960-kii. Kaas oo intii ay Somaliland
lasoo noqotey dawlad-nimadeedii loo badaley mid kuraasta gobol kasta loo wada tartamo, oo
inta ugu cod badataa uun ku guuleysato, waa sidii la gudoonsaday 2001-kii.

 

Waxa hodanti ah, in lagu sar-gooyey doorashadii Wakiilada 2005-kii in lagu qeybiyo sidii lagu
galay doorashadii ugu dambeysay ee aheyd tii dawladii Rayid-ka ahaa ee 1960-kii. Oo aheyd
mid ku saleysan 6 degmo doorasho, oo hada u xuub-siibtey lix-gobol doorasho. Taas oo lagu
dhuftey 2.5 oo ah korodhka dadka(population growth rate). Oo macneheedu uu yahay in tiradii
hore 6 degmo, calaa degmo kasta loogu dhufto 2.5 si ay u xidhanto tirade 82 xildhibaan, oo hore
u ahaan jirey 33 xildhibaan.
Iyadoo doorashada Wakiiladu ku saleysantey matalaada guud ee dadka degan gudaha
Somaliland, in loo qeybiyo tirade dadka ku nool dhamaan dalka oo loo qeybiyey 82 xildhibaan
ay noqoneyso xildhibaan kastaaa inta uu ku qiimeysan yahay. Taasi may dhacin maney
suurtoobin.

 

 

Aynu usoo gunda-degno diiwaan-galintii ugu sax-saneyd ee la qaadey 2016-kii iyo tirakoob u
eekihii(Somalia Population Estimation Survey 2014) ay qaadey hay’ada aduunka u qaabilsan
tirikoobka dadka ee loo yaqaan UNFPA ay ka sameysay Somalia kuna jirtey Somaliland, taas oo
ay baariktey xukuumadii ka jirtey SL ee gadhwadeenka ka ahaa, Ahmed Silaanyo.

 

 

Tirakoob u Eekihii UNFPA 2014

 

Xogtaas waxay u dhigneyd iyadoo labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Saaxil la isku
darey(W.Galeed) wadartooda guud, ee kasoo baxdey dadka reer Somaliland ay aheyd in ka
badan sadex malyuun iyo badh (3,508,180). Markaas waxeynu wadarta gobol kasta loo qaybiyo,
ta guud ee Somaliland oo lagu dhuftey kuraasta wakiilada ee ah 82 kursi, waxa kasoo baxaya,
kuraasta uu ka helayo gobol kasta, waa hadii tirakoobkan la dhaqan galiyo waa sidan.
Awdal 673,263/3508180 = 0,1919*82 = 16 kursi
W.Galbeed 1,242,003/3508180 = 0,354*82 = 29 kursi
Togdheer 721,363/ 3508180 = 0,2056*82 = 17 kusi
Sool 327,428/3508180 = 0,0933*82 = 7 kursi
Sanaag 544123/3508180/ = 0,155*82 = 13 kursi

 

 

Diiwaangalintii Codbixiyayaasha Sl(Somaliland voter Registration 2016)
Sidoo, kale Waxa iyana 2016 kii Gudiddii Doorashooyinku sameysay diiwaangalin lagu qaadey
qalab casri ah oo la isku haleyn karo(somaliland voter registration) ka hirgaliyeen dalka nidaam.
Kaas oo ay ka soo ururtey xogtani: oo noqotey in codbixiyayaasha isdiiwaan galiyey
dhamaanyee wadar guud oo aheyd 873,331 cod-bixiye.
Bal aynu guda galno calaa gobol intuu helayo inagoo isticmaaleyna qaacidadan. tirada
gobolka/tirada guud(873,331) lagu dhuftey 82(tirada wakiilada)
Awdal 147031/873,331 = 14 kursi
Maroodijeex 312634/873,331= 29 kursi
Saaxil 78842/873,331 = 7 kirsi
Togdheer 178,506/873,331 = 17 kursi
Sool 71096/873,331 = 7 kursi
Sanaag 85222/873,331 = 8 kursi

 

 

Gorfeyn

 

Marka aynu isha marino, labadan diiwangalin iyo tirakoob, waxa kasoo baxaya in gobolada
Maroodi-Jeex iyo Togdheer kuraas siyaado ah ay helayaan, halka Awdalna marna 1 kursi
heleyso marna 3 kursi.
Laakiin waxa hubaal ah in ay jiraan inta badan ee dadka dega Sool iyo Sanaag-Bariba aaney ka
qeyb-qaadan diiwaan galinta ay sameyso xukuumada Somaliland, deegaamadoodana qaarkood
aan laba gaadhi.
Hadii ay ka qeyb-qaataana ay meeshaas ka soo baxeyso ilaa 100 kun oo cod, oo saameyn ku
sameyn doonta kuraasta gobolada kale, Sool iyo Sanaag-na ay kuraas dheeraad ah helayaan.
Taas macneheedu waxa weyaan in gobol kasta oo aan aheyn Sool iyo Sanaag ay ka go’ayso.
Macneheedu waxa uu ayahey xisaab ahaan, in hada kursi waloo kuraasta wakiilada ee 82 ka ahi
waxa hadda la qiimihiisu yahay ilaa 10 kun oo cod. Marka 100 kun ee Hartiga ka maqanina soo
biiraan, kursi kastaaba waxa uu noqonayaa ilaa 12 kun oo cod.

 

 

Cabashada Awadal

 

 

Waxa mudaaharaad sameeyey aqoonyahan reer Awdal ah oo ka biyo diidsan kuraasta ay hadda
heystaan oo dhan 13 kursi, waxa uu Maxamed Abiib goobtaas kaga khudbadeedyey, xaqeena
aynu dhacsano, markaas sadexda jifo ee Samaroon ka koobantahay, Ilaahey idinkii hal jifa-na ha
qaadatee!!!!
Waxa aqoon-yahan Maxmed Abiib ilduufey, gobolka ay la deganyiin reer kale oo fac-weyn oo
la yidhaa Ciise oo diiwaangalintii 2016-kii ay Ciise sida beelaha kale isku habar-wacdeen oo
kale si mug-leh diiwaan galinta ay u galeen, kuwaas oo Maxamed Abiib kuraastoodii
duudsiyay.
Iyadoo ay wali gobolada bariga Somaliland inta lagu qancinayo ka qeyb-qaadashada
doorashooyinka Somaliland ay adagtey, in xuquuq laga hadlo, iyadoo goboladii kuraasta
badaniba ka maqnaayeen, wax hadal ah ilaa hada laga maqleyn.

 

 

 

Maxamuud Biixi
Hajibihi123@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker