Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Kulan Dardar-galin ah La-yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Baanka Dhexe iyo Maamulayaasha Laamaha Caasimada

Hargeysa(OWN)-Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Maamulayaasha Laamaha Caasimada iyo Agaasime waaxeedyada Baanka Dhexe ee JSL , kulankaas oo daarnaa dardar gelinta habsami socodka howlaha shaqo ee Baanka, iyo sidii loo laban-laabi lahaa dadaalka Baanka Dhexe ee Somaliland ugu jiro ilaalinta qiimaha Shilinka SL iyo la dagaalanka sicir bararka.

Kulankan oo kimada kulamada ugu muhiimsan ee Hogaanka Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland sida joogtada ah ula yeesho Maamulayaasha Laamaha Baanka iyo Agaasime Waaxeedyada Baanka Dhexe ,Ayaa ugu horeyn waxaa kulanka furay Guddoomiyaha Baanka Dhexe SL Mudane Cali Ibraahim Jamac, isagoo uga mahad celiyey madaxda iyo Saraakiisha Baanka Dhexe kartida iyo dadaalkooda,  Gudoomiyahu wax uu kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii libinlaabaan.
Waxaa isna madasha hadal miisaan leh oo iskugu jira dhiirigalin iyo hogo-tusaalayn ah kasoo jeediyey  Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Axmed Xasan Carwo, isaga oo ku nuuxnuuxsaday dardargalinta hawlaha shaqo ee Baanka Dhexe ee Somaliland si looga midho dhaliyo rajada ummadda ee ku saabsan in la helo dhaqaale dagan.
Ugu dambeyntii, waxaa kulankaa soo af-meeray Guddoomiye xigeenka Baanka Dhexe Mudane Cumar Yusuf Buux isagoo ku booriyey Saraakiisha iyo Guddoonka Baanka Dhexe-ba in la joogteeyo kulamadan horumarineed ee kor loogu qaadayo adeegyada kala duwan ee Baanka Dhexe Bulshada u fuliyo. Guud ahaan kulankaas oo ahaa mid ay ku dhamaaday  jawi degan . 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker