Dad ku indho-beelay kaadi ay ku fool dhaqdeen

Dhowr iyo toban qof ayaa indho-beelay ka dib markii ay isku dayeen in ay iska daaweeyaan cudurka daafka oo ka dillaacay dalka Mozambique.

Sida laga soo xigtey Dr. Sândia Sumbane ka tirsan qaybta indhaha Isbitaalka Dhexe ee magaalada Nampula oo ku taal waqooyiga Mozambique, dadkaan ayaa eersaday kaadi iyo gaas ay ku fool dhaqdeen si ayula tacaalaan daaf faro-kulul ku hayayey.

Dr. Sumbane oo uu soo xigtey Telefishin madaxbannaan oo la yiraado STV, dadka daafka qabay ayaa indhahoodi ku waayey talooyin aan cilmi ku dhisneyn oo ay ka qaateen dd caamo ah, halkii ay raadsan lahaayeen dhakhaatiir daaweynta indha aqoon u leh.

Sândia Sumbane oo ka hawlgasha Hospital Central de Nampula (HCN), ayaa sheegtay in magaalada Nampula oo qura 11 qof lagu sameeyey qalliin indha looga saaray, ugu yaraan labo kalena ay sugayaan.

Dhakhtaradda ayaa ugu dambeyn dadweynaha uga digtey khatarta ka dhalan karta haddii dadku daawo ka raadiyaan meel aysan jirin, taas oo ay ku waayi karaan xubnaha nugul ee jirka, sida indhaha.

Cudurka daafka ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si safmareen ah ugu fidayey qaark ka mid ah dalalka dhaca bariga iyo koonfurta bari ee qaaradda Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker