Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Kuan Kula yeeshay Jabuuti

Jabuuti(OWN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, kulankan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti C/raxmaan Maxamed Hiraabe.

Kulankan ayaa waxaa la iskula soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal, waxaana labada dhinac ay isku raaceen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Kulanka waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday heshiis labada dal ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay u kala saxiixeen Wasiirada Arimaha Dibadda Jabuuti iyo Soomaaliya.

Khayre ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga warbixiyay hormarka dowladda federaalka ay ka gaartay dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, isaga oo sidoo kale sheegay in Soomaaliya hada ay u bilaabatay nolol cusub.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku amaanay dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan sidii Soomaaliya markale ay cagaheeda ugu istaagi laheyd.

“Maanta waxaan la kulmay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Wasiirada reer Jabuuti, waxan marka hore uga mahadceliyay hiilka ay umadda Soomaaliyeed la garab taagan yihiin, waxa uu kulanka ahaa wada hadal aad u wanaagsan, waxaan rajeyn doonaa tusaale in ay u noqon doonto qaabka mustaqbalka aan u wada shaqeyn doono.” Ayuu yiri R.W Khayre.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maanta la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu ahaa mid aad xasaasi u ah, waxaana diirada lagu saaray cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dal.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker