“Saxafiyiinta waxa lagu haystaa Mucaaridkaad Baasto la Cunteen…” Abwaan Weedhsame

Isma qabanayso markaynu US joognana inaynu xorriyatul qawl ka sheekayno, oo ereyada qalaad ee “shared values” ku celcelino, marka Hargeysa la yimaadana Saxafiyiinta la xidhxidho.

Yaryarkan facebook la dhex wareegaya sheekada loo soo yeedhiyey ee ah “Saldhig ciidan bay galeen” waxan weydiinayaa, Anigu ma saldhig ciidan baan galay, markay xukuumadda Mujaahidiintu Berbera hotelkaan bandhigga ku lahaa ciidanka iyo C.l.D ku soo rogtay ee ay xuquuqdaydii aasaasiga ahayd ii diiday? Miyaanay iyadu Xeerarkii iyo Distuurkii jabin? Maxay ku sababaysay ee aan ka ahayn, amar ku taaglayn iyo car naga aragti duwanoow.!!!!!

Imikana Saxafiyiintan waxa keliya ee lagu haystaa waa “MUCAARIDKAAD BAASTO LA CUNTEEN”. Sidaas ayaan anigu aaminsanahay.

Waxse la yaab leh, Qiilka kaliya ee maanta lagu difaacayo xadhiga wariyaayushu inu noqday “XIRSI IYO HEBELBA WAA SAMAYN JIREEN SIDANI OO ANNAGUNA WAAN SAMAYNAYNAA”

W/Q Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker