Ururka Xuutiyiinta Yemen oo Duqeymo kale oo Culus la Beeg saday Garoonka Magaalada Abha ee Koonfurta Sacuudiga

Abha (OWN) – Kooxaha Xuutiyiinta ee Yeman ayaa mar kale Duqeymo  Loo  adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku garaacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Abha oo Caasimad u ah Gobolka Asir ee dhaca Koonfur Sacuudiga.

Kooxaha duqeyntaas geystay ayaa  sheegay inay ka Aaargudanayeen  dadka aan waxba  galabsan ee  ay Dawladda Sacuudiga ku xasuuqayso gudaha Yeman Afartii Sano ee lasoo dhaafay.

 

Garabka Ansarullah ayaa garoonka Diyaaradaha ee Abha duqeysay iyadoo adeegasneyso Diyaarada Qasef K2 oo ah nooca aan duuliyaha laheyn Axaddii sida uu baahiyey Talefishinka kooxdaan ee Al-Masirah TV.

 

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeyso xilli Sabtidii duqeyn loo geystay isla garoonkaan iyo Gobolka kale ee dariska la ah ee Jizan, waxaana duqeyntaas iyadana loo isticmaalay isla nooca diyaradda ee la adeegsaday duqeyntii Shalay.

Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa muddooyinkii dambe sii xoojiyey duqeymaha iyo weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga, waxayna inta badan beegsadaan Jizan, Najran, Abha iyo  Khamis Mushait.

Duqeyntii ugu darneyd ayey kooxdaan Bishii hore  ka fulisay Goobaha shidaalka laga soo saaro ee ku yaal Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa horey ugu hanjabtay inay duqeymo ka geysan doonto dhammaan Garoomada Sacuudiga ku yaal ee qeybta ka ah howlaha Militari ee ka socdo Yeman inta ay Sacuudiga iyo Xulafadeeda ku sugan yihiin Garoonka Caalamiga ee  Diyaaradaha ee Sanca.

Dowladda Sacuudiga iyo Xulafada ay hoggaamineyso ayaa dalka Yeman ku dilay ilaa 15,000 kuwaas oo intooda badan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker