Dawlada Cuba oo Somalia u soo bandhigtay qorshe ay ku soo furaneyso dhaqaatiir u afduuban Al-Shabaab

Cuba oo Somalia u soo bandhigtay qorshe ay ku soo furaneyso dhaqaatiir u afduuban Alshabaab

Muqdisho (OWN) – Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda dhaqaatiir sanad ka badan u afduuban Al-Shabaab, kadib xiriir dhanka taleefanka ah oo dhexmaray wasiirada arrimaha dibadda ee lada dal.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba Bruno Rodriguez oo xidhiidha telefoonka ah la soo sameeyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isla soo qaadeen sidii ay isaga kaashaan lahaayeen in xorriyadooda dib loogu soo celiyo labo dhaqtar oo dalkaasi u dhashay, islamarkaana sanad ka hor ay afduub u geysatay kooxda Al-Shabaab.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka uu uga mahadcelinayo, sida ay ugala shaqeyneyso, sidii loo soo bad-baadin lahaa dhaqaatiirtaasi.

“Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Cuba.

 

Waxa kale oo uu carbka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay la wadaageen ka dowlad ahaan qorshe iyo talo lagu soo furanayo dhaqaatiirtaasi.

“Waxaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya aan u bandhigtay qorshaha iyo talada lagu soo furanayo dhaqaatiirta laga soo afduubtay Kenya ee afduuban.” ayuu sii raaciyey.

 

Si kastaba ha’ahaatee bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan markaas wixii ka dambeeyey ay gacanta ugu jiraan Al-Shabaab oo ku heyso gudaha  Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker