Xusuusqorkayga Xajka

Maalinta 1aad:

Salaasa 23/08/2016 ama 20/11/1437

 

Subax Salaasa ah, 4- tii subaxnimo ayaan tagnay goob lagu balansanaa oo ah faras-magaalaha Borama. Ujeedaddu waa inaan safar gaaban oo dhinaca dhulka ah ku tagno Hargeysa, ka dibna ka raacno diyaarad na gaysa dhulka barakaysan. Ha yeeshee, dadka qaar habsaamay dartood, waxaan baxnay 4:45 subaxnimo; salaaddii subax waxaan ku tukanay Dilla.

 

Hargeysa markii aanu gaadhnay, waxa na loo sheegay inaan soo daahnay, suurtagal na aanay ahayn in aan diyaaradda gaadhno. Dood iyo muran ka dib, waxa la isla qaatay in huteel na la dajiyo. Subaxa xiga, 4-ta subaxnimo ayaan idanka Eebe madaarka tagi doonaa. حج مبرور وسعي مشكور وعمل متقبل إن شاء الله

 

Maalinta 2aad;

Arbaca 24/08/2016 ama 21/11/1437

 

Saaka 4:00 subaxnimo ayaan dhinaca madaarka u jihaysanay. 7:30 ayaan ka soo duulnay garroonka diyaaradaha ee Hargeysa. Jeddah ayaan ku soconaa.

Safarka Jeddah-Madina ee dhinaca dhulku (415 KM) mid dheer ayuu ahaa, saacaddo badana waa qaatay. Waase mahad Alle mar haddii aan nabad tagnay

 

Maalinta 3aad

Khamiis 25/08/2016 ama 22/11/1437

 

Maalinta waxaan ku bilawnay cibaado. Afartii subaxnimo ayaan kacnay oo aan u jihaysanay masaajidkii Nebiga CSW, halkaasi oo aan salaaddii Subax ku soo tukanay. Ka dib, waxaan soo siyaaranay qabrigii Nebiga CSW, xabaalihii Abuubakar & Cumar RC; iyo sidoo kale xabbaalaha Baqiic.

 

Maalinta 4aad 

Jimce 26/08/2016 ama 23/11/1437

 

Maanta waxaan soo siyaaranay masjidka Quba oo aan laba rakcadood oo sunne ah ku tukanay, kuna Alla-barinay. Ka dib waxaan soo booqanay shuhadaa’u Uxud iyo bartii uu dagaalka Uxud ka dhacay. Salaadda Jimce ayaan jamac kula tukanay Masjid Nebewiga. Saq badhki Rawdada ayaan tagay oo ku soo Alle tuugay.

 

Maalinta 5aad, 

Sabti 27/08/2016 ama 24/11/1437

 

Acmaashii Madiina waan dhamaynay, maanta waa Masjidu Nebiga oo aan ku noqnoqono, salaadaha shanta ah na aan jamaca la tukano.

 

Maalinta 6aad,

Axad 28/08/2016 ama 25/11/1437

 

Maanta waxaan ka soo baxnay Madiina, anaga oo ka soo ixraamanay miiqaatka. Waa masaafo dhan 450 KM. Shantii galabnimo ayaan Maka soo galnay. Cishaa’igii ayaan ku tukannay Xaramka, ka dibna acmaashii cumradda ayaan bilawnay. Inta Eebe na waafajiyey waxa ka mid ahaa dawaafka, ku tukashada Maqaamu Ibraahiim, sacyiga inta u dhaxaysa Safa & Marwa iyo timo xiirasho. Intaa ka dib, waan xalaalownay, wixii naga reebanaa intii aan ixraamnayn ayaa noo xalaaloobay.

Maalinta 7aad,

Isniin 29/08/216 ama 26/11/2016

Maanta xaramka ayaan salaadaha intooda badan ku tukanay. Dawaaf kale oo sunne ahna waan samaynay.

 

Maalinta 8aad,

Salaasa 30/08/2016 ama 27/11/2016

Maanta Jeddah ayaan safar gaaban ku tagnay.

 

Maalinta 9aad,

Arbaca 31/08/2016 ama 28/11/1437

 

Jeddah hawlihii aan u tagnay waa noo soo dhamaadeen.

Maka ayaan ku noqonaynaa idanka Eebe.

 

Maalinta 10aad, 

Khamiis 01/09/2016 ama 29/11/1437

Waxaan maanta isku marnay isbitaaladda Malik Abdallah, Al-Nour iyo Malik Faysal.

 

Maalinta 11aad, 

Jimce 02/09/2016 ama 30/11/1437

 

Salaaddii Jimce ayaan maanta Xaramka ku tukannay, waa mahad Alle. Waa la isku yimid, Carrafo oo kale ayaad moodaysay maanta;

 

Maalinta 12aad,

Sabti 03/09/2016 ama 01/12/1437

 

Cibaadadda oo ay ugu horeyso ku tukushada xaramka iyo jamac ku oogidda salaadaha oo dhan ayaan ku mashquulsanahay

 

Maalinta 13aad, 

Axad 04/09/2016 ama 02/12/1437

 

Xaramka ayaan galabta dhex lugeeyey si aan u arko hawsha baaxadda leh iyo ballaadhinta ku socota masaajidka. Mawjadaha dadka ah ee kacbadda dawaafayay, wax ku qaadasho ugu filan dhaayaha ku dheygaga;

Maalinta 14aad,

Isniin 05/09/2016 ama 03/12/1437

 

Maalmihii barakaysnaa ayaan ku jirnaa ee Eebe tilmaamay, kuna dhaartay habeenada tobanka ah. Cibaado iyo samafal waalid ayuu maalmahan camalku u badan yahay.

 

Maalinta 15aad,

Salaasa 06/09/2016 ama 04/12/1437

 

Maalinta inteedii badnayd waxaan ku qaadanay isbitaalka Boqor Cabdallah oo aan booqanay.

 

Maalinta 16aad, 

Arbaca 07/09/2016 ama 05/12/1437

 

Cibaadadda oo ay ugu horeyso ku tukushada xaramka iyo jamac ku oogidda salaadaha oo dhan ayaan ku mashquulsanahay

 

Maalinta 17aad, 

Khamiis 08/09/2016 ama 06/12/1437

 

Qorshihii lagu guuri lahaa helidiisa iyo fahankiisa ayaa waqti naga qaatay. Markii danbe si wacan ayay hawluhu noogu dhamaadeen;

Maalinta 18aad, 

Jimce 09/09/2016 ama 07/12/1437

 

Jimcaha maanta ayaan ixraamanay una ambabaxnay Mina. Dadku bari ayay guuri doonaan, laakiin maadaama Soomaalidu aanay tas-hilaad fiican helin, inaan maanta sii guurno ayaa dan la mooday.

 

Maalinta 19aad, 

Sabti 10/09/2016 ama 08/12/1437

 

Xajku maanta ayuu si rasmi ah u bilaabmay, Mina ayaan degannahay, sida sharcigu yahayna shan salaadood ayaan ku tukanay; waa Yawmu Tarwiya;

 

Maalinta 20aad, 

Axad 11/09/2016 ama 09/12/1437

 

Maanta waa maalin weyn, waa wuquufkii Carafo. In badan ayaan jidhidhicoon jiray markaan maqlo wuquufka “Carafo” & “Duyuufu Raxmaan”, mahad Alle, maanta ka mid baan ahay. Carafo ayaan ku Alle barinay. Allow noo aqbal oo naga ajiib. Nasiib wanaag goor hore oo fiidnimo ah ayaan ku soo noqonay halkii aan deganayn ee Mina.

 

 

 

Maalinta 21aad, 

Isniin 12/09/2016 ama 10/12/1437

 

Waa maalin kale oo weyn; waa Yowmul Xajul Akbar. Martida Ilaahay maanta Jamaraatka ayay tuureen. Masaafo dhawr kilomitir ah, iyo jawi kulul, ayay malaayiin xujay ahi lugeeyeen. Si fiican oo deganaan leh ayuu Alle noogu suurtagaliyey. Maalmaha soo socdana waan wadi doonaa jamaraatka. Sidoo kale, xoolihii hadyiga ahaa ayaa la gawracay, timahana waan iska xiirnay, ka dib na waan xalaalownay oo dharkii ixraamka waan iska bixinay; Dawaaful Ifaadaha iyo sacyiga ku lammaan dib ayaan u dhiganay;

 

Maalinta 22aad, 

Salaasa 13/09/2016 ama 11/12/1437

 

Waa maalinta 1aad ee maalmaha loo yaqaano Ayaamul Tashriiq. Dhagaxii ayaan soo tuuranay. Qofkiiba 21 dhagax ayuu tuurayaa. Jamaraatku waxoogaa masaafo ah ayay noo jiraan; waa in 5-6 kilomotir la lugeeyaa. Jawigu aad buu u kulul yahay, waa ilaa 45°C

 

Maalinta 23aad, 

Arbaca 14/09/2016 ama 12//12/1437

 

Dhagaxtuurashadii ayaa socota wali. Qofka degdegaya, maanta waxa u bannaan, inuu Maka ku noqdo. Shardigu waxa weeyi inaanu gabalku Mina ugu dhicin.

Maalinta 24aad,

Khamiis 15/09/2016 ama 13/12/1437

 

Waa maalintii ugu danbaysay dhagaxtuurka. Guud ahaan 70 dhagax ayuu tuurtaa ruuxa aan guurin shalay ee aan degdegin, sida sharcigu jidaynayo. Intaasi ka dib waxa aan u soo anbabaxnay Maka. Caawa inaan Dawaaful Ifaada iyo Sacyigii samaynmo ayay ahayd, laakiin dad badan ayaa daalay. Habeen danbe ayaan dawaafi doonaa idanka Eebe.

 

Maalinta 25aad,

Jimce 16/09/2016 ama 14/12/1437

 

Maanta waxan samaynay dawaaful ifaada oo aan dib u dhiganay iyo sacyigii. Maqribkii markii aan xaramka ku tukanay, roob xoog leh ayaa na helay. Meel banaan ayaan ku tukanay, ka dibna roob dhibco waaweyn ayaa na bilaabay. Intii aan salaadda ku jirnay ayuu da’ayay, markii aan ka baxnayna wuu qaaday. Dawaafka, wareegii toddobaad, mawjad dad oo xoog leh ayaa kooxdayadii kala halaysay. Saacaddo badan ayay qaadatay inaan is helno.

 

 

 

Maalinta 26aad, 

Sabti 17/09/2016 ama 15/12/1437

 

Dawaaful widaac ayaan maanta samaynay, maadaama qorshuhu yahay in caawa aan Jeddah u dhoofno. Waxa na loo sheegay in Duhurka wixii ka danbeeya aan diyaar noqono balse ilaa 11- kii habeennimo Jeddah uma aanu jihaysan. Markii aan baxnayna, darawalka basku dariiqa aqoon ma u lahayn, taasina waxay kaliftay inaan halawno. Safarku saacaddo badan oo dheeri ah ayuu qaatay. Tacab iyo jactad dheer ka dib, waa kan oo 9:30 arroornimo ee subixii xigay ayaan Hargeysa u duulnay.

 

Allow xajkayaga taqabal; Allow ka yeel kii la aqbalo, danbigayagana kii la dhaafo, camalkayagana kii la mahadiyo.

Dhacdooyinka I soo jiitay:

 

  • In kasta oo dhacdooyinka Xajku aanay kala dhicin, haddana intani dareen-taabad gooni ah ayay lahaayeen:
  • Soo dhawaynta Reer Madiina & reer Maka. Badnaydaa inta raashin shaaricyada la soo wadhay ee lagu sooray martida Ilaahay. Ma yarayn inta jeer ee aan arkay qoys timir ama cunto kale gaadhi ku sida oo xujayda u qaybinaya, qaar biyo qabow siinaya, qaar biyo ku rushaynaya si ay u qaboojiyaan;
  • Masaajidka Nebiga SCW ee Madiina qabawgiisa iyo quruxdiisa, naftu ayaamo – soor la’aan- waa ku cibaadaysan kartaa;
  • Xaramka inkasta oo dhisme laxaad lihi ka socday, haddana mawjadaha dadka ah ee mar walba qolo ay dawaafaysay, wax lagu cibro qaato ayay ahayd;
  • Wuquufka Carafaad, waa tiir weyn oo xajku aanu la’aantii ansaxayn. Maalintaas waxa khalqi gegida Carafo iskugu yimaad, iyaga oo maryo cad-cad xidhan, kala midab ah, kala afaf duwan, balse aan kala sarayn, faqiir & taajir kala lahayn, madax iyo mijo kala lahayn, aadamaha ugu filan dersi xusuusiya maalinta la is xisaabin doono;
  • Dhagax tuurka ama jamaraadku waa hawl wayn oo maalmo is xiga la qabto, taariikh ahaanna dhimasho badan keeni jirtay, balse beryahan danbe waa la nidaamiyey oo si wacan ayay ku dhamaataa. Inta ummad jamaraadka tuuraysa ee ku kulmaysa goobaha cibaadadan loo asteeyey kama fajac yara isku soo baxa gegida Carafo;
  • Waxan maankayga ka baxayn Xaaji reer Aasiya u muuq ekaa oo aabihii baaskiil ku riixayay, aabihiina, xaaskiisa (xaajiga gaadhiga riixaya hooyaddii) uu dhabta ku hayo. Aan si kale u idhaahdee, waa xaaji labadiisii waalid oo jilcay oo dhabta isku haya xajisiinaya. Dareen fog ayay dhacdadaasi i galisay. Waxay ii sii iftiimisay gedgeddoonka waayaha dunida. Shalay baaskiil riixaha maanta ayaa dhallaan dhabta lagu hayo ahaa, maantanna isaga ayaa waalidkiisii oo yar-yaraaday, jilcay oo gaboobey, tiir tiirarka shanta ah ee diinta ka gudaya;
  • Boorsaddii aan sahayda dhanba ku siday (5 qof ayaan nahay qoys ahaan) ayaan kaga kacay maqaaxi aan ka quraacanay. Nasiib wanaag ninkii lahaa maqaaxida oo muwaadin Suuriyanna ahaa ayaa alaabtii oo sidii u xidhan keenay huteelkii aan deganayn.
  • Dadaalka dawladda Sucuudigu ee fududeynta xajka iyo soo dhawaynta “Martida Ilaahay” waa mid isha aragtaa ay ku diirsanayso;
  • Dhinaca xujaajta, dabcan waa jiraan dad aan fahansanayn, ilawsan ama is ilawsiinaya xurmadda xajka, dhaqankooda maalmaha xajkuna aanu ka gedisnayn kii ay suuqyadda la joogeen xajka ka hor;

 

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker