Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo si weyn looga ciiday xilli uu jira coronavirus

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday inkastoo waqtiga lagu dhawaaqay inay ciid tahay ay ahayd waqti dambe oo xalay ah. Masaajidda ayaa sidii caadiga ahayd lagu tukaday salaada Ciida iyadoo dadku ay garbaha isku hayeen inkastoo saraakiisha caafimaadku ku booriyeen dadweynaha inay kala fogaadaan intay socdaan dabaaldegyada ciida si looga fogaado faafitaanka Fayraska Korona.

Wadooyinka ayaa saxmad ahaa saaka magaalada Muqdisho, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buuxdhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan iyadoo wax talaabooyin dheeraada aan la qaadin oo ku aadan cudurka COVID-19.

Kooxaha muusikada booliska ayaa gaada ka ciyaar ku maray wadooyinka magaalada iyagoo garaacayay muusik ay ku madadaalinayeen dadka wadooyinka maraya iyo kuwa taagan. Dadka badankood maysan xirneyn maaska afka lagu xirto si looga hortago Fayraska Korona.

Dhinaca kale waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka qaarkood kuwaas oo sheegay in dunida muslimka ah badankeed aan laga ciidin sidaa daraadeedna ay soon tahay balse maamullada Soomaalida ayaa dhamaantood ku dhawaaqay inay maanta ciid tahay.

Ciidul Fitriga ayaa Soomaaliya sanadkan u soo gashay iyadoo cudurka safmarka ah ee Korona Fayras uu faro ba’an ku hayo wadanka oo dhan iyadoo gobollada dalka oo dhan laga helay xanuunka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker