Dowladda Suudaan oo Sheegtay In Lasoo Af jaray Gadoodkii ay Sameeyeen Askar Ka Tirsan kuwa Dawladu

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in ay dib u furtay Hawada dalkaas iyo Garoonka diyaaradaha ee Khartoum, kadib Shaqaaqadii shalay caasimadda dalkaas ku dhex-martay ciidanka dowladda iyo askar daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Albashiir.

 

 

Madaxa golaha dowladda Sudan, Jeneraal CabdiFataax Al-Burhani ayaa sheegay in laba Aksari la dilay xilli ciidanka dowladdu ay isku dayayeen in ay xaaladda gacanta dowladda kusoo celiyaan.

 

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin Agfembi aan sharci ahayn.

Ciidanka milateriga ee Sudan ayaa sheegay in ay la wareegeen Xarunta Sirdoonka ee dalkaas, halkaas oo ay gadood ka sameyeen ciidamo mar daacad u ahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Xassan Al Bashir.

 

Qarax iyo dhawaAqa rasaasta ayaa shalay laga maqlay caasimadda Khartoum, waxaana hareeraraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Khartoum lasoo dhoobay Taangiyo iyo baaburta gaashaman, taas oo xiisad iyo walaac amni ku abuurtay dadka Sudan.

 

Wararku waxay sheegayaan in haatan la kala diray sirdoonka Sudan, waxaana ciidamada gadooday markii dambe la sheegay in tageen xaafadda Kafouri ee bariga Khartoum, kadib markii lagu heshiiyay in ay is dhiibaan.

Gadoodka ciidamada ayaa waxaa kale oo ay keentay in la xiro garoonka diyaaradaha ee Khartoum, waxaana dowladda ay ku tilmaamtay gadood ka dhashay ciidamo aanan mushaar lasiinin, waxaase jira walaac la qabo oo ah in ay isku dayayeen in ay minja xaabiyaan heshiiska siyaasadeed ee Sudan.

 

Dowladda Sudan ayaa falkan ku eedeysya madaxii hore ee sirdoonka Sudan, Saalax Gosh.

Jeneraal Maxamed Hamdan oo ah sarkaal sare oo katirsan golaha talada Sudan haya ayaa madaxii hore ee sirdoonka sudan, Saalax Goosh ku eedeeyay in uu ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay wadankaas.

 

 

 

Inkastoo falkii ka dhacay Khartoum aanu ku tilmaamin afgembi, haddana waxaa uu sheegay in aan marnaba loo dulqaadan doonin.

Tifatiraha BBC-da ee Afrika, Will Ross ayaa sheegay in waayadanba uu jiray walaac xoogan oo ah in xasilloonida Sudan aysan ka saldhigan doonin shakhsiyaad saameyn xoogan ku lahaa maamulkii hore, kuwaas oo uu sheegay in aanay ku qanacsaneyn qaabka ay wax u socdaan kadib markii bishii April ee sanadkii hore xilka laga tuuray madaxweynihii hore, Cumar Xassan Al Bashir.

 

 

 

 

Ciidamo katirsan sirdoonka Sudan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya askari xabad kor u ridaya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kusoo warrantay in ciidamo gadoodsan ay isku gedaameen dhismo u dhaw garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale AFP ayaa sheegtay in shan qof ay ku daawacmeyn qalalaasihii shalay ka dhacay Khartoum.

Wararkii uu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidanka dowladda ay la waregeen dhamaan dhismayaashii ay markii hore isku gedaameen ciidankii katirsanaa sirdoonka ee gadooday.

 

 

Kooxda ugu weyn kooxihii dibadbaxa ka dhigay dalka Sudan ayaa ku baaqay in la joojiyo hawgallada aragagaxa ku beeray shacabka Sudan.

Ugu yaran 170 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen xilliyadii ay socdeen dibadbaxyada, waxaana kala eryidda dadkii dibadbaxayay qeyb weyn ka qaatay sirdoonka Sudan ee haatan gadoodka sameeyay.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker