“Waxaa awaamiirtu tahay gobol gobol u soconayaa ma jiro ….”Taliyaha Ciidanka Booliska JSL

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale) ayaa shaaca ka qaaday in la xidhay isu-socodkii gaadiidka iyo bulshada ee gobolada dalka.

 

Taliye Dabagale waxaa uu caddeeyay in qofkii lagu qabto isaga oo u safraya gobol kale in talaabo sharciga waafaqsan oo arrintiisa la xidhiidha laga qaadi doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaadiidkii dadweynaha ee u kala gooshi jiray xaafadaha magaalada Hargeysa la joojiyay.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale) isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa awaamiirtu tahay gobol gobol u soconayaa ma jiro, gobolka gudihiisana basasku isuma soconayaan, sidoo kale goobaha ciida leysugu iman maayo, goobaha ay carruuru ku ciyaaraan lama furi karro, leysuguna iman karro.

 

Ujeedada weynina waxaa weeyaan in xannuunkaasi aynu ka gaashaamano, inaga oo ILLAAHEY talo saaraneyna waddankeenana aynu maanta og nahay heerka uu taagan yahay dadweynahana waxaa aanu dooneyna arrintaasi inay fahmaan, qof walibana guntiga dhiisha isaga dhigo, booliskana waxaa aan u sheegaya goobihii aynu isu cayinay in aad siweyn u ilaalisaan, dadweynahana cidii istaadhaha gobol kale u dalxiis tag waxaa aanu u sheegayna in aanu tagin karrin oo la qaban doono talaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doono, gaadiidkana lama ogola in ay u kala gooshaan gobolada iyo degmooyinka dalka, shirkadahana waxaa aanu u sheegayna in aanay soconin basaskoodu dhib malaha hadii ay gaadiidka yar yari socdaan, oo ciyaalkaaga tusaale ahaan hadii aad gayneyso Baligubadle sokadiisa oo meelaha aad soo daawadsiinayso cid kugu qabsanaysa ma jirto, dadweynuhu waa intaasi ay aad u fahmaan”

 

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland

sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Daba-gale)

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker