Ururka Alshabaab oo Weerarary Deegaanka Af urur ee Gobolka Bari

Boosaaso (OWN)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay la wareegeen deegaan muhiim ah oo ku dhow magaalada Boosaaso.

Ururka Al Shabaab ayaa baahiyay in xubno iyaga ka tirsan ay la wareegeen deegaan istiraatiiji ah oo hoostaga magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu magacaabo degaanka Af Urur.

Al Shabaab ayaa baraha Internetka ku baahiyay in ciidamada Puntland ay isaga carareen deegaanka, kadibna ay si toos ah ula wareegeen gacan kuheynta deegaanka Af Urur ee gobolka Bari.

Waxay sidoo kale Al Shabaab ay baahiyeen in ciidamada Puntland ay ka carareen awooda Al Shabaab, islamarkaana uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Af urur.Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Punland ee isaga baxay deegaanka Af Urur ay gaareen degmada Carmo, dadka deegaanka ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay baaritaanno ku sameeyeen xarumihii ay faarujiyeen saraakiisha Puntland.

Deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah waxaa horey ugu dagaalamay Al Shabaab iyo Puntland, waxaana Al Shabaab dagaalkaasi looga qabtay maxaabiis badan oo wali qaarkood ku xiran xabsiyada Puntland.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa dagaaladaasi guulo ka sheegay iyadoo sheegay in ku dhawaad 100 askari ay kaga dileen ciidamada Puntland.

Ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka Puntland ee gobolka Bari ee ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah inay la wareegeen deegaanka Af urur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker