Xukuumadda JSL Oo Dawladda Imaaraadka Carabta ka dacweeyay Boqor Buurmadoow

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee xukuumadda Madaxweyne  Xasan Gaafaadhi ayaa dawladda Imaaraadka Carabta ka dacweeyay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow, oo uu ku eedeeyay inuu qas iyo xasilooni darro ka dhan ah Somaliland ka soo gudbinayo dalka Imaaraadka Carabta.

 

Wasiir Gaafaadhi ayaa barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay inaanu dawladda UAE ka filayn in dadka ajaaniibta ah ee ay degenaanshaha ku meelgaadhka ah siisay ay si joogto ah dalkeeda uga soo gudbiyaan xasilooni darro ka dhan ah Somaliland oo la saaxiib ah, waxaanu tusaale u soo qaatay Boqor Cismaan oo uu ku tilmaamay dambiile caadayste ah. Wasiir Gaafaadhi, wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Maan filayn dawladda Imaaraadka Carabtu inay ogolaato oo u dul-qaadato shisheeye ay siisay dal-ku-gal ku meel gaadh ah inay si joogto ah u gudbiyaan oo u kiciyaan xasilooni darro iyo khilaaf ka dhaca Somaliland oo la saaxiib ah. Boqor Cismaan Buurmadow waa u tusaale arinkaas, waana dembiile caadayste ah.”

Xasan Gaafaadhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker