Dhegayso: Murashax joe Bidden oo Qarka U saaran Inuu ku Guulaysto Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa Wacadaro ka dhigay Doorashooyinkii is-reeb reebka Xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee u taagan madaxweynaha ee xalay ka dhacay gobollo ka mid ah dalka Mareykanka.

 

Biden, oo mar u Muuqday inuu Tartanka kasii dhacayo, ayaa ku guuleystay ugu yaraan sagaal gobol oo ka mid ah 14-kii gobol ee ay ka dhacday doorashadii shalay, oo loo yaqaan Super Tuesday.

 

Biden ayaa ku guuleystay gobollada Virginia, North Carolina, Alabama, Oklahoma, Tennessee, Arkansas, Massachusetts, Minnesota iyo gobolka Texas oo ah kan labaad ee ugu weyn dalka kadib California.

 

Haddaba Natiijooyin, aan xataa laba maalmood ka hor la sii saadaalin karimn ayaa doorashooyinka loogu magac-darey Talaadadii Weyneyd (Supper Tuesday)

 

HADABA FALAN-QAYN KU SAABSAN DOORASHADAAS HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker