Xukunkii Somaliland Waxa uu Gacanta u galay Ururkii Sonyo, Madaxweyne M. Biixi-na Caruur ayuu rashin la wadaagay?. W/Q Farxaan Cali Haybe.

Waxaynu moodaynay inaynu Sanadkii 2018 kii aynu dhamaynay Jaamacadii Sonyo, & heego ehe waaba ka daroo dibi dhal hadda ayey mid hor leh afka saaray , walee ciridka aan arkaayo ilko kama soo jeedaan, waxan is lahaa madaxweynaha waayo arag intii hore ayaa ugu filan,
waxan is lahaa arag inuu Caruur rashin la wadaagay.
waxan is lahaa arag inaanay arrina ku soo kordhinayn .
waxan is lahaa arag in dib u dhac intaasi ugu filan tahay.
waxan is lahaa nin weyn  taladu kama dhamaatee wuxuu arki inuu meel ka dhacay.
waxayse tahay marka ilaahay talada kaa madoobaynaayo sida lagaga sugaayo maroodi ayuun baad  sakaaro dhashaaye , weli waxay  talada dalku gacanta ugu jirtaa nimadii yaryara , somalidu hore ayey u tidhi shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa, kii gacantoodu soo qaadaaba waa ururkooda, tolow miyaan kan wadanka ah ilaahay u ilbixinayn , marba koox yaryar gacanta u gelaaya, wallee waxa ilaahay ka wado alluun baa garan.
waxaan ku soo afmeerayaa Ninku ninkii maaha , marlabaadka somalidu hore waxay u tidhi xasan jigin biq, walee damujadiid biq heego la aragyaaba, horta marka koowaade , ninku ninkii maaha , waa mar labaadkee wadan kii iyo taladii caruur bay u gacan gashee wax ha layska waydiiyo.
W/Q
Farxaan Cali Haybe
UK
farxangul123@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker