Maraykaka oo Baadhaya Xogaha Laga Qariyay ee Coronavirus

 

Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la ogeyn. Hase yeeshee waxaa horey loo sheegay inuu ka dillaacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasi oo Mareykanka ay shaki weyn ka qabaan.

 

 

 

Taleefishinka Fox News ayaa Arbcadii sheegay in fayruska uu ka yimid sheybaar ku yaalla Wuhan, balse aan looga dan lahayn in hub ahaan loo adeegsado ee uu qeyb ka ahaa dadaal Shiinaha ay ku muujinayaan awooddooda ah inay aqoonsan karaan oo ay fayrus ula dagaalami karaan si la mid ah ama ka awood badan Mareykan

 

 

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, halkaasi oo si ku talo-gal ah loogu abuuray.

 

Sidoo kale xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ogtahay ee ku saabsan xaqiiqda cudurkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker