Xaalada Caafimaad ee Raiisul wasaare Boris Johnson oo kasii Dartay

London (OWN) – Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay qeybta daryeelka deg degga ah ee isbitalka, kadib markii xaaladdiisa cudurka coronavirus ay kasii dartay, sida uu sheegay xafiiskiisa No 10  Downing Street.

 

Britain ma lahan wax qorshe ah oo deggan oo la xidhiidha cidda shaqada sii wadeysa, haddii ra’iisul wasaarahu uu Noqdo mid aan wax qaban karin, hase yeeshee Johnson, oo 55 jir ah, ayaa xoghayaha Arrimaha dibedda Dominic Raab weydiistay inuu shaqadiisa sii qabto.

 

Johnson ayaa Axaddii la dhigay isbitalka, kadib markii 10 maalmood oo Xidhiidh ah lagu arkayey Astaamaha cudurka Coronavirus. Saraakiisha   Caafimaadka ayaa sheegay in Johnson uu dareemayey qandho aad u  sarraysa, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus.

 

 

Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Downing Street ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Johnson lagu xidhay qalabka laga qaato neefta.

“Shalay Galab  ayaa xaaladda ra’iisul wasaraaha ay kasii dartay, waxaana La Dhigay Cisbitaal ka dib Talooyin ay Bixiyeen  dhaqaatiirtiisa  khaaskii,

 

, Waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay xafiiskiisa.

Xafiiska Downing Street ayaa sheegay in go’aanka Johnson lagu dhigay qeybta xaaladda deg degga ah, loo qaatay si loo muujiyo taxaddar dheeri ah.

 

Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street.

 

Britain ayaa Bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda.

 

 

Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker