BAAQ TAAGEERO OO KA SOCOTA JAALIYADA REER SOMALILAND EE MARAYKANKA

Baaq:
Waxa shir khadka talafoonka ah ku yeeshay wiigan haldoor deggan USA oo ka soo
Jeeda beelaha Habarjeclo iyo Garxajis. Waxa ay labada dhinac halkan ku
bayaaminayaan inay taageersanyihiin shirkii SamaTalis iyo qodabadii ka soo baxay
gabagabadii Shirkaa Burco Lagu qabtay bishan March 15-18, 2020. Waxaa lagu
heshiiyey qodobadan hoos ka xusan:
1. Waxay Gurbajooga beelaha Habarjeclo iyo Garxajis ku heshiiyeen inay
taageeraan qodobadii ka soo baxay shirkii March 15-18 ee lagu qabtay Burco
2. Qurbajooga beelaha Habarjeclo iyo Garxajis inay ka wada shaqeeyaan
horumarinta degaanada ay wada degaan labada beelood, sida Waxbarashada,
Caafimaadka iyo Wadooyinka.

3. Qurbajooga beelaha Habarjeclo iyo Garxajis waxay ku heshiiyeen inay
joogteeyaan kulamadan oo kale mustaqbalka.
Shirkana Waxa uu billow u noqon doonaa in Qurbajoogu isu soo dhowaadaan, oo ka
shaqeeyaan walaalaynta bulshada Qurbaha iyo Gudahaba reer Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH,
Garxajis Habarjeclo
Ahmed Mohamud Adan Dheri | Sulaybaan Sultan Cabdillaahi Sultan Ali
Saxeex:___________________ Saxeex:___________________________
Ahmed M. adan Sulayb

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker