Golaha Deegaanka Gabiley oo Noqday Maamulkii u horeeyey Dowladaha Hoose ee Bulshada Uga Diga Khatarta Cudurka Covid-19

Gabiley (OWN)- Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golahaas ahna Duqa magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi, ayaa noqday Maamulkii u horreeyey dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka ee Shacbi-weynaha u soo bandhiga wacyi-gelin ku saabsan qaabka looga hortago loogana feejinaado Caabuqa CoronaVirus oo saamayn taban ku haya isla markaana si xawli ah ugu fidaya caalamka.

Muuqaalkan Wacyi-gelinta ah oo lagu soo bandhigay tallaabooyinka ay mudan tahay in qofku sameeyo si looga hortago faafista cudurka COVID-19 ee ka dhasha Caabuqa Corona, waxa iska kaashaday Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley iyo Warbaahinta dalka oo ay ku jirto Shabakadda Caalamiga ah ee Oodweynenews.com

DAAWO WACAN OO DHUGO FARRIINTA MUUQAALKANI KUU SIDO

 

Oodweynenews.com

Hargeysa Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker