Xukuumada Federaalka ah ee Somalia oo sheehtay inay Laysay Saraal Alshabaab ah oo Qarax diyaarinayay
Baydhabo (OWN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda howlgal ay ka fuliyeen duleedka Bariire ay ku dileen rag hubeysan oo qorsheynayey inay weerar ka geystaan deegaankaasi.
Ragga la dilay oo gaadhayey illaa afar ruux ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in raggaasi ay damacsanaayeen inay weeraraan saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyn saraakiishaasi ayaa carabka ku dhuftay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay khaarijiyeen afarta nin, kana furteen hubkii ay wateen.




