Raiisul wasaarihii Hore Somalia Nuur Cadde oo Asiibay Xanuunka Corona
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warar sheegaya in uu magaalada London ee dalka Britain ku xanuunsan yahay Raโiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde).
Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa Xaqiijiyay in Aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London.
Halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay xanuunka dunida oo dhan aafeeyay ee corona.
โXaaladda raโiisul wasaare Nuur Cadde aad ayay u wanaagsan tahay, waxaan filayaa in bulshada Soomaaliyeed ay la socoto in uu xanuunsan yahay oo isbitaal ku yaala London uu ku jiro, halkaasina lagu daweynayo.
Xaaladiisana waa ay degan tahay hadda, London ayuu degan yahay, waxaana halkaas ku qabsaday feyraska coronaโ, ayuu yidhi wiilka Nuur Cadde.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay warar been abuur ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu soo qoray baraha bulshada.
kuwaas oo uu sheegay in aysan waxba ka jirin.
Sidoo kale xanuunka raโiisul wasaare Nuur Caddeย waxaa ka hadlay raโiisul wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre oo sheegay in xaaladda Nuur Cadde uu kala Xidhiidhay qoyskiisa.
โWaxaan alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Raโiisul Wasaarahii hore ee dalka, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London.
Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiinโayuu ku qoray baraha bulshada uu ku leeyahay.
Nuur Xassan Xusseen, Nuur Cadde ayaa Soomaaliya raโiisul wasaare kasoo noqday dowladdii kumeel gaarka ahayd ee sanadkii 2007-da, waxaana uu lasoo shaqeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf (AU




