Amiirka Sacuudiga Bin Sultaan Aala Sacuud oo xayiray waxyaabaha laga soo saaro dalka Turkey

Saudi Arabia flag with Turkey flag, 3D rendering
Riyadh (OWN) – Amiirka Sacuudiga Cabdullaahi Bin Sultaan Aala Sacuud ayaa xayiray waxyaabaha laga soo saaro dalka Turkey ee la geeyo dalka Sacuudiga “ilaa dowadda Turkey ay dib u eegis ku saameyneyso siyaasadeeda dhanka boqortooyada”.

Amiirka ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka Muuqaal kooban oo ah amiirka magaalada Riyadh Faysal Bin Bander oo diidaya inuu cabo Coffee uu sheegay in lagu sameeyay dalka Turkey.

“Aniga ka muwaadin Sacuudiyaan ahaan, waxaan ku dhawaaqayaa maanta inaan mamnuucay ama xayiray wax walbaa oo laga soo saaro dalka Turkey, ilaa ay dib uga saxayaan siyaasadooda dhankeena ku wajahan, xitaa haddii aan wax soo saarkooda u baahanay”ayuu yiri.

Dadka adeegsada baraha Bulshada dalka Sacuudiga ayaa ku jeesjeesay amiirka, iyaga oo ka dalbaday inuu mamnuuco ama xayiraad uu saaro alaabaha uu soo saaro Mareykanka, ee la geeyo dalka Sacuudiga, iyaga oo tusaalo usoo qaadanayay aflagaadadii Trump ee boqorka dalka Sacuudiga.

Bishii October sanadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka ayaa ku yiri boqorka Sacuudiga “Boqorow waan ku difaaceynaa, Halkaasi ma joogi kartid annaga la’aanteena muddo labo isbuuc ah, waa inaad bixisaa lacagta [ciidamada] meletariga, waa Inaad bixisaa”

Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Sacuudiga iyo Turkey ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2013 markii Turkey uu taageeray ikhwaanul Muslimiinta Masar.

Sidoo kale xiriirkooda ayaa mugdi galay markale markii wariyihii Sacuudiyaanka ahaan Jamaal Khashoqji lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker