Qandaraas fashilmay oo Khilaaf & Muran horle ka dhex abuuray Gudida Qandaraasyada Somaliland

Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa qarka u saaran inuu fashilmo Qandaraas qaabkii loo bixiyey madmadow badani ku xeernaa oo la siiyey shirkad la yidhaahdo Cabdillaahi Aflax Store

Shirkadan Cabdillaahi Aflax Stores ayaa Qanradaas Qaraabakiila lagu siiyey inay muddo todobaada ku keento Timirta bisha barakaysan ee Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland.

Qandaraaskan la siiyey Shirkada Cabdillaahi Aflax ayaa lagu dhawaaqey 12-ka bisha Maarso 2020-ka inay ku guulaystay tartanka keenida Timirta,ku darsoo waxaa loo qabtay oo heshiiska ku jirtay inay Muddo Todoba cisho ah ku soo wareejiso ama ku soo gaadhsiiso Timirta Ciidamada loogu talo galay Balse  taasi way fashilantay oo weli maanta oo taariikhdu tahay 24-kii Maarso 2020-ka Hal teneg lagama hayo,wax soo muuqdana mooyi.

 

Yeelkeede shirkadan Cabdilaahi Aflax ee Qaraabakiilka lagu siiyey Keenista Timirta Ciidanka Somaliland ayaa xilligii ay tartanka ku jirtay shaacisey inay hayso cadadka Timirta looga baahan yahay oo ay dalka u taalo,ku darsoo waxay madasha tartanka keentay Foojaro iyo Dhukumentis sheegaya inay tartanka ku gelayaan Timir taalla Bakhaaro qaarkood Burco ku yaala oo aan ka xusi karo Tawfiiq & Al-intifaac oo ka madax banaan qandaraaslaha helay tartanka.Taas oo macnaheedu yahay inaaney shirkada Cabdillaahi Aflax timirta loo baahan yahay Gacanta ugu jirin,dalkana u oolin balse ay ku tartamayaan Timir taalla Bakhaaro gacansi oo weliba laysla dhexmaraayo inay gaboowday oo tayadeedu liidato oo sanado taaley oo la meydhaayo si loogu eekaysiiyo Timir cusub.

Geesta kalena waxaa oo oogan oo soo laba kacleeyay muran ka dhex qarxay Gudida Qandaraasyada Somaliland qadiyadan timirta ee fashilantay darteed maadaba Xubno ka tirsan Gudidu Saami macaash laga siiyey qandaraaskan Timirta  (Waa laaluush casriya oo inagu soo kordhay).

 

Isku soo wada duuboo Shirkada Cabdillaahi Aflax ee sida Qaraabkiilka & Eexda ah lagu siiyey Qardaraaska timirta ciidamada Somaliland ayaan welin fulin shuruudihii ay Qandaraaska ku qaadatay,qadiyadeena u eeg tahay inay ku fashilantay maadaba waqtigii ka dhacay oo ay muddo dhaafna waxba ku keeni la’dahay!.

 

Halkan ka daawo Ballanqaadkii Kornayl Cabdillaahi Kobra oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta oo ku hadlaaya afka Shirkada Aflax & Dardarankii Gudoomiyaha Komishanka oo ay ilmaadeer yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker