RW dalka Jarmalka oo Iskarantiimaysay ka dib markii ay La Kulantay Shaqsi Qaba Coronavirus

Xafiiska Hoggaamiyaha dalka Jermalka ayaa shaaciyay in Angela Merkel ay maanta go’aansatay inay iskarantiimayso.

kadib markii ay la kulantay Dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.

 

Afhayeen u hadlay xukuumada Jermalka Steffen Seibert waxa uu sheegay in Cudurka Coronavirus laga helay Dhakhatar talaalay Ra’isul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel maalintii Jimcihii.

 

” Waxaa si joogto ah looga baadhi doono cudurka Coronaviurs Maalmaha soo socda, baadhitaankuna ma noqon doono mid qarsoodi ah” ayuu yidhi Afhayeenku.

 

Wuxuu sheegay in Angela ay sii wadi doonto waajibaadkeedi shaqo iyadoo ku sugan gurigeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker