Midawga Yurub Oo Cunaqabayntii Maraykanka Iska Indho-tiray Iiraan-na Caawimo U Diraya
Midowga Yurub ayaa dalka Iraan U diriya $ 21milyan oo Euro oo Gargaar Biniโaadannimo ah , waqti ay Iran saaran tahay Cunaqabateyntii Mareynkanku saaray.
Gargaarkan ayaa loogu talo galay in uu Iiraan ka caawiyo wax ka qabshada Xanuunka coronavirus, sidoo kale waxay Taageeri doontaa codsiyada Tehraan ay ka dalbatay Hayada lacagta Aduunka ee IMF in qiil Loo helo, ayuu yidhi diblomaasi sare ee EU-da.
Madaxa Arrimaha siyaasada ee EU-da Josep Borrell ayaa ku yidhi warkan fiidiyowga ah ee uu arintan ku sheegay โMa Awoodno in aan bixinno kaalmo Biniโaadannimo oo badan laakiin waxaa jira ilaa 20 milyan oo euro oo naga diyaar ah oo aan u gaadhsiinayno Tehran todobaadyada oo socdaโ
โWaxaan sidoo kale Oggolaanay inaan Taageerno dalabka Iran iyo sidoo kale Venezuela ay Hayada Lacagta Adduunka ee IMF kaga dalbadeen lacag Taageero maaliyadeed ahโ ayuu yidhi ka dib shir ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Iiraan waxa Caabuqan kaga dhintay 1,800 qof waqti ay diiwaangalisay in ay jiraan 23,049 oo kiis ah.
Si kastaba ha aahaatee labadan dale e Iran iyo Venexuela ayaa waxa saaran cunaqabayn uu maraykanku ku soo rogay, taas oo midawga Yurub uu diyaar u yahay in uu qaato cawaaqibka ka dhalan kara jabinteeda,




