Qaramada Midoobay oo Guddi U Saartay Baadhitaan Lagu Sameeyo Weerarkii Xalane

Muqdisho (OWN) – Xafiiska Howlgalka kaalmeynta QM Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

 

 

UNSOM ayaa Qoraalkeeda ku shaacisay in tiro hoobiyeyaal ah xalay lagu Weeraray xarunta Xalane oo ay xarumo ku leeyihiin Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Sidoo kale waxaa xarunta degan Hay’ado caalami ah iyo safaaradaha qaar ka mid ah wadamada caalamka.

 

Sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa  lagu sheegay in dhacdadaasi loo saaray Guddi saraakiil ah oo qaabilsan dhanka amniga, si ay baadhitaano dheeraad ah ugu soo sameeyey weerarkaasi.

UNSOM ma shaacin khasaaraha rasmiga  ah ee ka dhashay madaafiicda ku hoobatay gudaha xarunta Xalane, basle waxa ay sheegtay inay dib ka faah faahin doonto.

 

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuyliyaddan weerarkaan, iyada oo baahisay in illaa shan madfac ay la heshay gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker