Somaliland Oo Joojisay Duulimaadyadii Uga Yimaada jiray Somalia iyo Dalalka Kale ee Laga Helay Carona.(Akhriso)
Guddiga U diyaar Garowga iyo kahor Tagga Caabuqa Caronavirus eeย ย Dawlada Somaliland ayaa manta soo saaray goโaano adag oo Lagaga hortegayo in caabuqaasi uu soo gaadho Gudaha Wadankaasi sidoo kale-naย ku faafo.
Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay Duulimaadyadii Uga Iman jiray Somalia Gaar ahaanna magaalada Muqdisho , yo sidoo kale qaar kamid ah wadamada uu saameeyay Caronavirus sida Shiinaha, Talyaaniga, Kuuriya Koonfureed, Faransa iyo Kenya.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay in la fasaxay iskuulada , iyo Goobaha kale ee waxbarada , waxaa sidoo kale la mamnuucay isku imaatinka sida shirarka, Ciyaaraha , Aroosyada iyo kulamada kale ee dadku isugu yimaadaan .
Halkan ka akhriso:





