FASHILKA SHIRKA BURCO IYO HAGBAD KALE , MAANTANA AFDUUB IIGULA EKAA !!!! by ADAM NOKIA
Soomaalidu taariikh qoran oo ay wax ku qiyaasaan Malaha,waxoodu waa gola ka fuul ku binaysan qofba waxa maskaxdiisa ku jira,waxaana haga nolosha miyiga iyo qabyaalad dhinaca xun loo adeegsado.
Xilligii doorashada 2017 nin madaxda dhaqanka ah oo nabada ceel-afweyn ka shaqaynayey ayaa kaambayn ku darsaday wuxuu yidhi: Reer hebel anagaa abti u ah,codka ha i siiyaan dibi ayaa meel iigu xidhane(cirro)waa musharax madaxweyne ninkuu sheegaa oo dal dhan raba inuu hoggaamiyo isaguna inan yar oo uu hadhowna amar siiyo ayuu u arkaa. Waxaa kasii daraa kuwo reer burco ah oo yidhi anaga qofkii nagala leexda geed qudhaanko leh ayaan ku xidhnaa,wayna dhacday,waxaa kasii daraa salaadiintii guud oo gacmaha la isu saaray sawirna laga qaaday oo leh markayga iyo markaaga ,hadda waa dawladnimadii dhamayd,oo ma soconaysaa hagbad dad badani ku jiraan laba gacmood haku wareegto? Maya waa habeen xalay tegay.
Maanta afduub iigula ekaa !shirkii burco ee maanta furmay waxa kasoo muuqdaa hagbad bedel,cid baa dabada ka riixaysa ,dan lagama laha bulshada xaalada liidata ku jirta ee meel kasta wadhan ,waa ayaan darro.
Hogaanka dhaqanku waa masuulka koowaad ee bulshada,isaga ayaa laga rabaa inuu mulshada mustaqbalkooda ka fekero ka shaqeeyo,maaha in siyaasi iyo jirri,berri iska tegaya oo jeebkooda u shaqaynaya inay isticmaalaan. Waxaan leenahay Allaah ka baqa oo wax ummadda u dan ah iyo qorshe loo aayo ka shaqeeya oo soo saara.
adam noor
shalqane@hotmail.com



