Midnimada Somaliland iyo Somalia Qasab iyo Qoor-qabad kuma imanayso

Midawgii hore ee Somaliland & Somalia waxa sabab u ahaa dadka reer waqooyi ama ree Somaliland, cid qasabtay & qoor-qabad midna majirin. Waxa kaliya ee ay rabeen waxay ahayd Soomaalinimo jacayl. Maantana qasab & qoor-qabad kuma imanayso midnimadu, iskaba daa qaran dhane laba qof oo hooyo & aabe wada dhaleen ayaa haddii aanay iyagu u arag dantooda inay wada noolaadaan kala dhaqaaqaya cid isu qasbi kartaana aanay jirin. Xorriyadda shakhsiga ayaa muqadas ah ee midawgu muqadas maahee waa dan.

Haddaba, haddii la rabo midow mar labaad dhex mara Somaliland & Somalia, waxa biyo kama dhibcaan ah in dhinaca midowga danaynayaa, ku qanciyaan dhinaca kale faa’iidada & danta ku jirta midowga. Haduuse ku guuldaraysto kuma qulaamin karo midow qasab ah, xattaa hadii uu awood ku keeno kuma sii haysan karo. Si uu ugu qanciyana waxa waajib ah in uu qaado talaabooyinka soo socda.

1. Waa in midnimadu tahay mid si dhab ah loo rabo ee aanay noqon mid afka uun laga yidhaahdo.

2. Waa in dadka reer koonfureed ama dawlada Somalia u diyaar garoobaan in ay dhayaan, bogsiiyaanna tabashada & nabarada danqanaya dadka reer waqooyi ama Somaliland.

3. Waa in dadka reer koonfureed ama dawlada Somalia u diyaar garoobaan in ay sameeyaan hanaan dib u heshiisiineed oo dhab ah, iskana illaaliyaan wax kasta oo danqaraya nidaamka dib u heshiisiiinta, hadal iyo ficil labadaba.

4. Waa in dawlada koonfureed aasaasto guddi xaqiiqo raadineed oo nadiif ka ah tacadiyadii kasoo dhacay dalka Somalia, islamarkaana bilaabaan baadhitaan qoto dheer oo xaqiiqo ku dhisan, kuna raad jooga dhamaan tacadiyadii ka dhacay dalka Somalia ee lagu gaystay magaca dawladda Somalia.

 

Lasoco qaybaha danbe.

 

Axmednaasir Suldaan Cabdiraxmaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker