RW Itoobiya oo Lagu Casuumay Kulanka La Filayo Inuu dhexmaro Madaxwaynayaasha Somalia iyo Kenya
Nairobi (OWN) โ Raโiisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa lagu casuumay wada-hadallo la filayo inay Nairobi ku yeeshaan madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred MatiangโI ayaa Arbacadii casuumaddan u gudbiyey Abiy oo uu kula kulmay Addis Ababa, taasi oo qeyb ka ah dadaal wax looga qabanayo xiisadda xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ayaa sheegay in la doonayo, kulanka la qorsheeyey ee Uhuru iyo Farmaajo, laga dhigo shir madaxeed saddex geesood ah.
Si kastaba, Abiy ayaan weli aqbalin caasumadda uu u geeyey MatiangโI, si ka duwan Farmaajo oo durbadiiba aqbalay, waxaana lagu warramay in Abiy jawaab laga sugayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Fred MatiangโI ku qaabilay Villa Somalia Isniinti, kana guddoomay caasumadda uga timid Uhuru.
Kenya iyo Itoobiya ayaa labaduba waxay ciidamo ka joogaan Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa taageera dowladda federaalka, halka kuwa Kenya ay taageeraan maamulka ay dowladda is-hayaan ee Jubaland.
Tan iyo markii uu xukunka qabtay raโiisul wasaare Abiy, Itoobiya iyo Villa Somalia ayaa aad isugu dhowaa.
Toddobaadkii tagay, Abiy ayaa ahaa kii fududeeyey wada-hadalladii taleefonka ee Farmaajo iyo Uhuru, kadib markii uu madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu waco Uhuru, si xiisadda loo qaboojiyo.
Wada-hadalkii taleefonka ee xigay ee Farmaajo iyo Uhuru ayaa xiisadda qaboojiyey, taasi oo muujisay sida Abiy uu saameyn ugu leeyahay Farmaajo.




