Murashixiinta Maraykanka oo Mid waliba la Dardaarmay Taageerayaasheeda

Iyadoo hal Todobaad oo kali ahi ay ka hadhay maalinta ay dhici doonto Doorashada Madaxtinimada Mareykanka,

 

Madaxweyne Trump oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyo Musharraxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden,

Ayaa Talaadadi ka Ololeeyey Gobollo ka mid ah kuwa Go’aanka ka gaadha doorasho madaxtinimada. Ama Ugu Codka Badan.

 

 

Joe Biden oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Ayaa ololihiisa Doorashada ee Shalay oo  Talaado ahayd xoogga ku saaray gobolka koofureed ee Georgia, oo tan iyo Sannadkii 1992-ki aanu madaxweyne ka socda xibiga dimoqraadiga ku guuleysan doorashada.

 

 

Biden ayaa u ballan qaaday dadka reer Georgia inuu noqon doono madaxweynaha dhamaan dadka Mareykanku Ku Hirtaan isaga oo aan eegi doonin Siyaasadda xisbiyada.

 

 

Madaxweyne Trump ayaa isna ka ololeeyay saddedx gobol oo laba ka mid ahi ku xoogganyihiin dimoqraadiyiinta kuwaasoo kala ah Michigan, Wisconsin iyo Nebraska. Gobolladaasi ayuu kaga guuleystay sannadki 2016-kii Hillary Clinton oo ka socotay Dimoqraadiyiinta.

 

 

Khudbad uu ka jeediyay magaalada Lansing ee caasimadda gobolka Mishigan, ayuu Trump ku sheegay in Biden uu taageeray heshiiskii Ganasiga Xorta ah ee Waqooyiga America ee Nafta ee uu Trump ka saaray Mareykanka iyo soo galasti uu Shiinaha soo galay Ururka Ganacsiga Aduunka,

 

Labadaasi qodob oo uu Trump sheegay in ay dhaawacday wax soo saarka baabuurta iyo sancooyinka kale ee gobolka Mishigan.

 

 

Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 3-da bisha foodda nagu soo heysa ee November

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker