Shirkadaha diyaaradaha Afrika oo muddo bil ah qasaaray $400 miliyan oo doolar
Bishii Fabruary ee Toddobaadki hore ayuu Cudurka Coronavirus ee dunida ka dillaacay Awgii shirkadaha Diyaaradaha laga leeyahay Qaaradda Afrika waxay qasaareen Lacag gaadhaysa $400 oo malyan oo doolar.
Inkasta oo Qaaradda Afrika sida qaaradaha kale Aany Cudurku si weyn ugu faafin haddana dhaqaalaha qaaradda ayuu si weyn u saameeyey.
Cudurka Shiinaha ka dillaacay Awgiina shirkadaha diyaaradaha Taanzaaniya, Mauritius, Madagascar, Ruwanda, Morocco iyo Kenya waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi ay ku tagi jireen dalkaasi china.
Ururka ay ku mideysan yihiin Shirkadaha diyaaradaha caalamka wuxuu sheegay cudurka Coronovirus ee faafay awgii iney qasaareen $400 milyan oo doolar.
Shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn Afrika oo ah Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo dhinacya badan cadaadis uga imanayey Ayaa Hadana U dhabar adaygtya oo wali sii wada Duulimaadyadeedii ay Ku Tegi jirtay Dalwaynaha Shiinaha .
Waddamada Qaaraddan Afrika ka tirsan ee laga helay cudurka Coronavirus waxaa ka mid ah Masar, Tunisia, Morocco, Aljeeriya, Nigeria iyo Senegal haddana qaabka uu cudurka u soo gaadhay ayaa la sheegay inaan lagu tilmaami karin inuu ku faafay.
Hay’adda caafimaadka Adduunkana waxay welwel ka muujisay waddamada adeeggooda caafimaad uu aadka u liito iney Awood u lahayn iney cudurka iska caabbiyaan, waddamadaasi oo ay Hay’addu ku sheegtay intooda badan iney yihiin dalal ku yaalla Qaaraddan Afrika.
Dowladda Kenyana waxay sheegtay iyada oo ka cabsi qabto cudurka Coronavirus iney Amar ku bixiso in la joojiyo diyaaradaha ka yimaadda laba magaalo oo ku yaalla Waqooyiga Talyaaniga.
Kenyana waxay go’aankan qaadatay kaddib marki dhowr dal oo Afrikaan ah oo cudurku uu soo gaadhay dadka laga helay iney yihiin kuwa ka yimid Waqooyiga Talyaaniga.
Dadka cudurka Coronavirus laga helay ee dalalka Tunisia, Morocco iyo Nigeria waxay dhammaantood noqdeen dad ka yimid dalka Talyaaniga.
Dalka Talyaaniga waxaa cudurka Coronovirus laga helay 1,800 oo qof, inta la xaqiijiyeyna waxaa cudurkaasi u dhimatay 52 qof.




