Ururka Midawga Africa oo Soo Saaray Wadamada Qaarada Africa ee Laga Helay Xanuunka Coronavirus
Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ayaaย lagu sheegay in illaa hadda Afrika kiisas la Xidhiidha cudurkaasi oo ka soo bilowday Shiinaha laga helay illaa iyo lix Wadan.
kuwaas oo kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri ah.
si looga hortago in cudurku uu u sii gudbo dalalka kale ee qaaradda Afrika.
Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya Dunida ayay U dhinteenย Dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa wadanka Shiinaha oo uu caabuqani ka soo bilowday.
Wadamadii ugu dambeeyey ee uu gaadhay cudurkan waxaa ka mid ah Sucuudiga iyo Mareykanka oo laga helay kiisas cusub.




