RAGII JACAYLKU HALEELAY Q1AAD
Gabyaa kasta wuxu gabadha amaanaa marka ay qalbiga kaga dhacdo, markaas oo ay ka go’do si uu yeelaba inay ooridiisa noqoto. Hadaba soomalida oo jacaylku ku yaraa ragii goor hore ka gabyey jacaylkii ku dhacay waxa kamid ahaa:
YUUSUF MADOOBE
Gabyaa kasta oo gabadh amaantaa marna ma gefo inu taxo tilmaamo badan oo quruxdeeda ku saabsan, tilmaamahaas oo badiba ay soomalidu kawada siman tahay waxaa tilmaamaha kamid ah: Inay gabadhu leedahay timo madow oo sugul ah, Salxanyo iyo fool dhaashan, sanqaroor dhuuban oo shushuban, suniyo higil ah, indho cad cad oo waaweyn, cirid iyo afmadow, dhexdhuuban i.w.m.
Yuusuf madoobe oo ahaa gabyaa ka soo jeeda deeganka hobyo ayaa jeer tiriyey isagoo guur Doon ah gabay dheer, oo dhextaal uga dhigay “mahayo saarkaygu”, kaas oo ku sheegay gabadha uu rabo guurkeeda iyo kuwa badan ee aanu rabin guursigooda.
Wuxu si cad u tilmaamay gabadha uu rabo guurkeeda tilmaamaha ay leedahay waxaanu ku sheegay “waa in aanay aad u shishlaan oo ay dhuubnaataa, islamarkaasna ayna noqon ruux engegen, waa inay dhexdu yaraataa, markay soconayso waa inay gacmaha saydhaa,sanqaroor lala ashqaraaro waa inay yeelataa, ilkaheeda dhayda ka cadaadaan, timo madow badan oo jilicsan yeelataa” waxaanu yidhi:
Salool dhumuc yar oo wada sinsiman lama saluugeene
Saaway engan soorgodley mahayo saarkaygu
Kol haday galool siiban tahay naago waa sino’e
Ay gorayo seetaysan tahay mahayo saarkaygu
Sankase waxaan ka taagoon hablaha wada saluugaba
Maruunbuu sakhaawuhu midaan doonayo isiine
Dhexdoo sibiq ah labadeeda sabar tii lakala soocay
Leg suubaan ah saydhada gacmaha timo sawaakiin ah
Sanqaroor la daawado ilkaha suufka laga yeelay
Sedrigaygu taasuu rabaa si alle yeelaaba.
JACAYLKII CALI CILMI AFYARE
Alle ha u naxariistee Cali cilmi afyare ayaa isna mar tiriyey gabayo badan oo uu ku amaanayo gabadh uu markaa aad u jeclaaday, gabadh uu bilicdeeda la ashqaraaray, dabadeedna uu jacaylkeedu qalbiga kaga dhacay.
Isagoo aad moodo sidii yuusuf madoobe inay isku dookh yihiin ayuu tilmaamihii yuusuf sheegay isna ku amaanayaa gabadha uu maantaa jeclaaday waxaanu yidhi:
Sanqaroorka laga saaray iyo suniyihiyo foolka
Salaanta iyo sheekada markay sararta kaa joogto
Salxanyaha wejiga iyo timaha suuri carab moodo
Sacabkeeda nuurka leh markay garabka kaa saarto
Ama yaraha sii socoto ooy saanta tirinayso
Suuqii banaan iyo marbaan marinka seegaaye.
Markale Cali cilmi afyare oo isla gabadhaa amaanaya ayaa gabay kale ku yidhi:
Muuqaalka kore dumarku waa wada mushaaxaaye
Miisaanka goortay lugaha mash u soconayso
Oo gacanta maydh bixiyo miid la shubay moodo
Dhexdoo madag ah timahoo sidii meheridii suura
Indhaha oo muraayada afkoo dhuxulo maygaag ah
Midabkoo shamsada soo baxdiyo mooda galabeeda
Meeshaan ka eegaba yartani way macaan tahay.
Cali cilmi afyare oo waqti waqtiyada kamid ah uu galay dareen xoog leh iyo hawo jacayl ayaa laga hayaa gabayo badan, oo halqabsi leh kuwaas oo siwalba ugu tirsan gabayada amaanta dumarka loo mariyo. Hadaba cali oo sidii aan 2dii tusaale ee hore aan kusoo sheegnay ayaa mar 3aad amaanay inantii uu jeclaaday taas ay ka go’nayd inu helo si ay reer mida uwada noqdaan.
Gabaygan kale ayuu ku soo bandhigaa farshaxanimo kale waxaanu yidhi:
Intii aan guurdoonka ahaa ee baadi goobka ku jiray, jiho kasta oo aan maray, dumar intii aan is aragnay een sheeko wadaag noqonay, anigoo aqoon u leh dhamaantood saynabeey walee adigaa ugu sita oo ugu sareeya waxaanu yidhi:
Inanyahay aduunyada hadaan dhab u ilaaleeyey
Addimada intii aan ku maray amase lay sheegay
Afarta bayno jiho naagaha eebe ku abuuray
Assaraar hadaan lagu hadlayn ama la awdaynin
Anigoo aqoon uleh hadaan xaqqa abbaaro
Ilaah igu OG inaad saynabeey ugu saraysaaye.
Dhaqankaaga wanaagsan, indhaha cad cad, afka madow, miisaanka socodka iyo laafyoodka intaas oo dhan ninkii arkaa ashqaraar u dhimay, aragtidaadu iimaankay iga qabsatay aragtideeda kaliya ayaad malyuun dumar ku ilowsiinaysa, waxa iga Ayaan roon ninka iyada guursada oo ay ubad u dhasho, waxaan ku riyoodaa iyada oo I ag fadhida, sida neef geela oo ilmihiisii laga xidhay Ayaan iyada ugu ololaa, hadaba iyada Ayaan raadsada oo kolba kobta ay joogto ayaa ku ag wareegaa waxaanu yidhi:
Asluubtaada goortaan arkiyo oogadiyo jaaha
Afka iyo indhaha nuurayee edebta loo yeelay
Adimada iyo laafyaha kolkay aayar soconayso
Ashqaar u dhimay yuusufow eeg ninkii yidhiye
Arwaadiyo laftay iga gashay iyo uurka feedha’e
Iimaanka baa iga qabsaday aragtidaadiiye
Aalaaba waa aroos iyo inay oori noqotaaye
Arageeda kaliyaa malyuun lagu ilaawaaye
Ayaan aniga iga roon ninkay ubad uqaadaaye
Iyadoo agtaydaa fadhida oo ubaxna ii laacday
Argagaxa hurdada leylkii baan aqalka moodaaye
Sidii geel ilmihii laga xidhoo ololey oo reemay
Hadba anigu meeshay jirtaan ku Ag wareegaa.
Qaaradaha yurub, aasiya, iyo Africa kuma noola axad ama qof iyada u eeg, asluubtaadana lama gaadhi karo, naagkale waan ka oodnahay oo waan ka go’ay, sidaas darteed waxaan kaa rabaa in maalin qudha aad qalbiga iga jeclaato waxaanu yidhi cali cilmi afyare alle ha u naxariistee:
Yurub iyo aasiya iyo aqalladii shiine
Afrikaanka oo idil hadii laysku soo urursho
Axad kuu eeg weligay ma arag inadeereeye
Awal hadaad u tahay waa inaan ku ogolaadaye
Afka in aan ka sheegiyo ammaan gibin ah mooyaane
Asluubtaada lama gaari karo aynigay tahaye
Ilwaad quruxsanleeyeey midkale waan ka oodnahay
Waa in aan Ayaan qudha qalbiga iiga oloshaa.
W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189



