Mustaqbalka Sooyaalka Siyaasadeed ee Soomaliland (Qaybtii 2aad)
dhaqan siyaasadeed ku salaysan kobcinta afkaarta keli-ahaansho, keli-lihinimo iyo iska-caabinta fikirka aan kiisa ahayni waxay jahwareer iyo faham la`aan dhinaca ay wax u socdaan ku keentay, silamarkaana ay khalkhal iyo dayaw ku keentay shacabka ay codkooda ku joogaan, kuwaasoo aan ka warhaynm Xeedhada siyaasadeed waxa ku dhex jira iyo hirdanka siyaasadeed ee Muxaafidiinta nooc kasta oo ay yihiin iyo Mucaaridiinta nooc kasta oo ay yihiinba waxyaabaha ka dhex socda ee ka dhax aloosan, kuwaasoo Shacabka u tumaya Durbaan laablakaceed oo khiulaaf ba`an ku dhextuuraya sida dab la shiday, marna daminaya khilaafka, kuwaasoo Shacabka ku soo celinaya rajo aan saadaalin dheer oo kalsooniyadeed lahayn.
Waxyaabaha lagu yareyn karo siyaasad xumida maanta, waa in la xoojiyaa hay`daha madaxa-banaan ee cilmi-baadhiseed oo u dhigma ama ka xoogan hay`adaha Dawladda oo dabagal aqooneed ku sameyn kara, si loola xisaabtamo, ixtimaalna loogu samayn karo dhismaha siyaasadeed ee Dawladnimo fahamkeeda sida kor u qaadida nooca fahamka dhaqaalaha siyaasadeed (political economy), wadada siyaasadda maaliyadda dalka iyo noocyada (monetry policy) iyo ( fiscal policy) ga ee Dawlidnimo ee xeedhada ku dhex jira. Kor u qaadida iyo iftiiminta Arimaha Bulshada, saqaafadda, dhaqan-dhaqaalaha iyo Falsafadda maamuleed, taasoo kor u qaadaysa tayada-aqooneed ee bulshada (human capital) si loo fahmo oo loogu gundo-dego gudaha xeedhada siyaasadeed.
Mohamud Hussein-Finland



