Dawlada Federaalka Somalia Oo Lagu Eedeeyey Iney Dayacday Ardayda ku Go’doonsan Magaalada Wuhan.

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka Tirsan siyaasiyiinta mucaaradsan DF, kana mida Baarlamanka Somalia ayaa ku eedeeyey dowlada iney dayacday ardayda wax ka barata dalka Shiinaha.

 

gaar ahaan magaalada Wuhan oo uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

 

Qoraal dheer oo uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Xildhibaan Fiqi kaga hadlay arrimahan kaasoo u qornaa sidatan:-

 

 

Halis Nafeed oo aan maciin lahayn oo la soo Gudboonaatay Aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka barta magaalada Wuhan.

 

 

Qiyaastii 40 Arday oo Somali ah Isla Markaana Waxka Barta Jaamacadaha Dalka Shiinaha .

 

oo intooda badan shahaadada Masterka dhakhtarnimada iyo engineeringka ka barta magaalada cudurka caabuqa coronovirusku uu ka dilaacay ee Wuhan – China ayaa halis weyn ku jirta.

 

 

Waxa ay ii sheegeen In ay la Xidhiidheen Safiirka Amb. Cawaale Kulane iyo Qunsulka Siciid Mire ee Safaarada Soomaaliya ee China.

 

Ariintooda la gaadhsiiyey wasaaradda arrimaha dibadda JFS si loo badnaadiyo balse ay quus iyo rajo la’aan ka yihiin, ardaydan ayaa ka kala yimid daafaha Soomaaliya.

 

ayagoo intaas ku daray In xayiraad ay saaran tahay dadka magaaladaas oo qaabka kaliya oo ay uga soo bixi karaan ay tahay in dawladuhu dadkooda qaadanayaan.

 

Ardayda ajnabiga ah ee magaaladaas jaamacadaheeda wax ka barta oo qiyaastii gaaraya 5 kun ayaa badankoodii dawladahoodii ay ka daad-gureeyeen halkaas.

 

Arday walba wuxuu ku xayiran yahay qolkiisa loomana ogola In banaanka ay u baxaan, waxaa ay dhibaato ku qabaan sida ay ku heli lahaayeen cunto ayadoo sida ay sheegeen cuntada sicirkeedii uu cirka isku shareeray.

 

 

Magaalada Wuhan waa magaalo la go’doomiyey illaa iyo haddana ardayda Soomaalidu waa badqabaan, balse faafidda cudurka oo aad u socota awgeed waxey naftoodu ku jirtaa halis weyn.

 

 

Waxaan xusuusanaa In sanadkii 2013 dawladdii XASAN Sheekh ay dalka South Sudan oo dagaal sokeeye ka qarxey ay ka soo daadguraysay dad Soomaaliyeed oo halis naftoodu ay gashay.

 

 

Dawladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in dhallinyaradaas aqoonyahanka ah loo fidiyo gurmad degdeg ah oo looga soo daadguraynayo magalaadaas musiibadu ku habsatay.!

 

 

Dawladda Soomaaliya waxey qaadaysaa mas’uuliyadda wixii ardaydaas ku soo gaara gurmadka ardayda qayrkood ah ay heleen haddii loo fidin waayo.

 

Nabadqab iyo badbaado ayaan u rajaynayaa wiilasheena iyo gabdhaheena ku xayiran Wuhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker