DAAHIR RIYAALE WAA NINKII SHACAB U MUDAHARAADAYA BIYO, RASAASTA LA DHACAY

madaxweynihii hore ee somaliland daahir riyaale kaahin oo maalintii shalay la hadlay warbaahinta waxa uu talo ahaan ugu soo jeediyay madaxweynaha talada haya in khilaafka ka dhaxeeya dawladda iyo ninka la yidhaa caare ee ka soo jabhadaynayay maamul goboleedka puntland   wada hadal lagu dhameeyo khilaafkaasi.
madaxweynuhuna uu dulqaad sameeyo maadaama uu  gacanta ku hayo taladii dalka……
hadaba waxaan qabaa inaanay nasteexo ka ahayn daahir riyaale tala-bixintaasi uu ku taaray madaxweynaha,balse uu doonayo in nidaamka maamul ee dalka ee dalka ee uu ku bariiqdo muuse biixi.
maxaa yeelay daahir riyaale waxa uu ahaa bishii july ee sannadkii 2008dii ninka amray inay ciidamada qaranku rasaas la dhacaan dad shacab ah oo u mudahaaraadaya biyo ay cabaan .khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawac lehna haragysa loogu geystay.
weliba mudahaartkaasi sababta dhalisay waxaa lahayd xukuumadii uu hogaaminayay daahir riyaale,shacbiguna gar bay ku lahaayeen gadoodkaasi.
waayo xukuumadu waxay u sheegtay dadka koonfurta hargaysa in ceelbiyood looga qodayo meesha la yidhaa UUBAALE oo ku taala dhinaca koonfureed ee caasimada.
dhawr casho kolkii laga qodayay ceelkaasi oo warbaahintana laga sheegay in biyihii laga gaadhayo,
ayaa subax qudhaata riiggii laga soo kaxeeyay meeshii uu biyaha ka qodayay,
kolkii shacbigii yidhaahdeen xagee la geynayaa riigana ,waxa loogu jawaabay boorame ayaa loo kaxaynayaa,
kolkii dadkii mudahaaraadeen ee yidhaahdeen dee horta biyihii uu noo qodayay hanoo soo saaro oo yaan la naga kaxaysanin , waxa lagu dalbaday ciidanka qaranka ,kuwaasi oo rasaas la dhacay ,halkaasna ku dilay dhalinyaradii ka gadooday  ficilkaasi  waxashnimada ah.
muxuu daahir riyaale wada hadal ugu dhammayn waayay arintaasi  ee uu xabada ugu jawaabay shacbiga aan hubaysnayn..
geesta kale miyaanu daahir riyaale ahayn ninkii diiday ergadii ugu mudnayd dalka,ee abwaanada iyo culimada ahaa ee martida uga noqday inuu wada hadal ku dhameeyo khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo axsaabta qaranka…
intuu maanta leeyahay wada hadal la samee nin xabbad u qaatay qarankii uu kasoo jeeday oo jabhad u samaystay dadkiisii iyo dalkiisii..
daahiroow  inaadeer giib noom taani…..khuuro kale keen.tan waa lagugu fahmay oo kaa socon maysee.
Cabdi Sh.Xasan Axmed (Dhako)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker