Daawo: Falanqaynta Ciyaarah , Liverpool Ma Iibin Doontaa Laacibkeeda Maxamed Saalix

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagula taliyey inay iska iibiso xiddigeeda Mohamed Salah marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyga ee bisha June, isla markaana ay raadsato beddelkiisa oo laba ciyaartoy midkood noqon doona.

 

 

Salah oo ay da’diisu tahay 27 sannadood ayaa ah ciyaartoyga xili ciyaareedkan ugu goolasha badan Liverpool, waxaanu soo dhaliyey 18 gool dhamaan tartamada, kuwaas oo 14 ka mid ah uu ka dhaliyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay kooxdiisu ku hoggaaminayso 22 dhibcood oo nadiif ah, kuna dhowdahay in dhowaan lasii guddoonsiiyo koobka.

 

 

Labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey Horyalaka Premier League, waxa uu Mohamed Salah sameeyey bandhig layaab leh isagoo dhaliyey saddex gool, hase yeeshee qaabka uu u ciyaaray ayaa ahaa mid u muuqday sidii uu xili ciyaareedkii hore ahaa oo kale.

 

 

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxaha Aston Villa & Fulham ee Darren Bent ayaa waxa usoo jeediyey Liverpool in marka la gaadho xagaaga ay suuqa dhigto Mohamed Salah oo ay ka iibiso kooxaha suurtogalka ah ee doonaya, isla markaana ay laba ciyaartoy.

 

FALANQAYNTAAS OO DHAMAYSTIRAN HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker