Maayar Mooge ku faakihaystay Dooxa Hargeysa iyo farriin cusub o uu ka soo diray

Maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa ololaha nadaafadda ee Khamiislaha ah kala qayb galay degmadda Ibraahim Koodbuur.

Maayar Mooge, oo ay wehelinayeen maamulka degmadda Ibraahim Koodbuur ee Hargaysa ayaa dadweynaha xaafadaha degmadaasi kala qayb qaatay ololihii nadaafadda ee saaka.

Ololahan nadaafadda oo degmooyinka iyo xaafadaha caasimadda Hargaysa Khamiista kasta laga fuliyo ayuu iclaamiyay maayarka Hargaysa maalmo yar uun kadib markii uu xilka la wareegay.

Waxaana ololahaasi nadaafadeed lagu ururiyaan qashin iyo xashiish aad u tiro badan oo noocyo kala duwan leh.

Ololihii saaka ee degmadda Ibraahim Koodbuur ayay dadweynaha xaafadaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si weyn uga qayb qaateen.

Iyadoo guuf ahaanba ololahan nadaafadeed maanta laga fuliyay gebi ahaanba caasimadda Hargaysa.

Maayar Mooge, ayaa u mahad celiyay dadka shacabka ah iyo shirkadihii sida weyn uga qayb qaatay ololahaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker