QAYBTII 2AAD: DHUUNI RAACA IYO QABYAALIGA MAXAA KEENA?

Waxa aynu soo xusnay dhuuni-raacu qofka uu yahay iyo shaqadiisa oo aynu nidhi waa gaadhi kiroole ah ama mikirifoon hadba qofka wax u dhiibaa ku hadlo.

 

HADDABA MAXAA KEENA?

Waxa la odhankaraa waxa keena inta badan:
1. MAAL-QABEENKA XUN
2. MASUULKA XUN

MAAL-QABEENKA XUN

Inta badan haddii qofku maal leeyahay dadku xurmo dheeraad ah bay siiyaan. Waxa kale oo dhacda inta badan inaan khaladkiisa si toos ah loogu sheegikarin. Taasna waxa keena marka caqligiisu dadka ku dhiirigelinwaayo inay u arkaan inuu la mid yahay, inay qofnimadiisa eegaan ee aanay maalkiisa ku xurmayn.

Ka dibna dhuuni-raaca ayaa halkaa fursad ka hela oo markasta sacab been ah iyo markhaati dhadhamo doon ah la garab joogsada.

Qabyaaliga (abtirsiimo jamadka) laftiisa ayaa ciddii il-qalloocan ku eegtaba isna bud kula ciira. Isagu wax doon maaha laakiin cudurka qabyaaladda ayuu u afduuban yahay.

SIDEE MASUULKA XUMI U KEENAA?

Masuulkaasi waa labo mid baa la odhankaraa:
1) Khaayin aan xilka uu ummadda u hayo daacad u ahayn ee isagu ku danaysta.

Tani waxay keenaysaa:
B) Inuu arrintiisa u kaalmaysto dhuuni-raaca iyo khaayimiinta la midka ah ee garabka ku siinaya daacad la’aanta iyo dulmiga.

T) Inuu ka fogaado dadka daacadda ah ee khaladkiisa tusikara ama diidkara.

2) Waxa kale oo uu noqonkaraa masuul aan isku kalsoonayn. Taasina waxay keentaa:

B) inuu janto (jeclaado) cid u sheegta inuu fiican yahay.

T) In uu dadka fiican ee dhalliishiisa tusikara u arko cadow aan isaga rabin wanaaggiisa. Ka dibna waxa uu baylah u noqdaa dhuuni-raaca iyo afmiishaarka beenta iyo dhalanteedka ka faashleeya. Ka dibna waxa xaalku noqdaa inuu ku mashquulo ku qabowsiga erayada lagu dillaalo isaga, sida:

– ” qof fiican baad tahay.”
– ” khalad ma lihide markasta wax fiican baad sameysaa.”
– ” qof wacan baad tahay waayo dadka oo dhan baa ku jecel,” iyo waxyaabo la mid ah.

QABYAALIGU WAA MAXAY?

Qabyaaligu waa:

B) Dhinaca dhibaatada waa kala mid dhuuni-raaca mararka qaarna ka sii darran.

T) isaga bukaan adduunyo ma hayo laakiin waxa haya cudur la yidhaa ” QAB IYO ISLA WEYNI.” Cidda uu ka dhashay mooye cid sharaf iyo wanaag u qalantaa ma jirto.

J) Naftiisa iyo maalkiisaba waxa uu u huraa ilaalinta dhegta cidda uu ka soo jeedo.

MAXAA KEENA?

Qabyaaligu waxa uu luxudka la soo kacaa:

B) marka xintanka iyo faanku xadhkaha goostaan.

T) Marka qaylada yeedha cod qaran iyo cudud qaran oo lagu maareeyo loo waayo.

Markaas baa qabyaaliga baal ka taagmaa. Markaas buu dhagarta iyo balaayada ku istareexaa kuna subkadaa.

MAXAA TALO AH?

1. Qof kasta oo masuul ah waxa la gudboon inuu iska fogeeyo dhuuni-raaca, qabyaaliga iyo afmiishaarka.

2. Inuu soo dhawaysto oo raadsado qofkasta oo daacadnimo iyo aqoon lagu tuhunsan yahay xataa haddii uu yahay ka dadka ugu neceb isna ugu neceb yahay.

3. Inuu fahmo inaan muhimaddu ahayn in qofku ku jecelyahay ama neceb yahay laakiin muhiimaddu tahay xilka iyo danta guud ee ummadda yaa u daacad ah oo talo iyo aqoonba ku biirinkara.

DARDAARAN:

Anshaxa wanaagsani akhristow ina farimaayo inaynu dhuuni-raac ku sheegno dadka birmagaydada ah (culimada, xil-hayaha qaran nooc kasta oo uu yahay) iyo wixii la mid ah. Waxa kale oo reebban in qof gaar ah farta lagu fiiqo (la magac dhebo) haddii aanu isagu bannaanka ula soo bixin inuu yahay dhuuni-raac dadkana ku boorrin inay arrintaasi tahay wax fiican. Sababtu waxa weeye waxa la ilaalinayaa sharafta iyo magaca xilka ee qofku huwan yahay. Waayo haddii la ceebeeyo isaga oo xil ummadeed huwan waxa caado noqonaysa:
B) in qof kasta oo xil qabta si fudud loo sharaf rido.
T) masuuliyadda lafteeda la karaamo tiro taasina keento in dadku madax iyo mijo kala yeelanwaayo, masuuliyaddana ceeb lagaga cararo loo arko.

DHAMMAAD
Qore: Keyse-Iftiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker