Dhegayso:Waalidiin Soomaali ah oo Loo Maxkamadeynayo ‘Gudniin, Ay ku Filiyeen Gabadh yar oo ay dhaleen

Laba waalid oo Soomaali ah oo in muddo ah ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Dublin ee dalka Ireland, ayaa maalintii Jimcihii maxkamad la soo taagay iyaga oo ku eedaysan inay gudeen gabadh yar oo 2 jir ah oo ay dhaleen.

 

Gudniinka waalidkan ay ku sameeyeen gabadhooda ayaa la ogaaday kadib markii caabuq ku yimid meeshii gabadha laga gooyay dartii ,ka dibna waxay geeyeen  Isbitaal , sida lagu eedeeyey.

 

Waalidiintan ayaa sheegay in gabadha aysan gudin balse uu dhaawacu soo gaadhay kadib markii ay kuftay, sida ay hadalka u dhigeen.

Maxkamadda ayaa ilaa dhammaadka bisha soo socota dib u dhigtay Xukunka labada waalid, waxaana carruurtii si ku meel gaadh ah loogu dhiibay dad ay qaraabo yihiin.

Haddii dambiga lagu helo labadan waalid, waxay La kulmi Doonaan   Xabsi u dhaxeeya 10 illaa 14 sano.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker