Tottenham vs Chelsea – Jose Oo Soo Dhaweynaya Xiddigisii Hore & Kooxdiisii Hore – Maxaa La Filanayaa?
Tottenham Hotspur ayaa soo dhaweyneysa Xalay kooxda Chelsea, waa kulanka London Derby, waxaana sii dheer in Jose Mourinho uu soo dhaweynayo Xiddigiisii hore iyo kooxdiisii hore.
Jose oo laba jeer oo kala duwan Maamulay Blues ayaa kaga hor imaanaya Horyaalka wajigii labaad oo cadaawad ah maadaama uu horay ugu wajahay Man United, wuxuuna doonayaa inuu guul ka gaadho.
Lampard iyo Jose waxaa ka dhaxeeya xiriir jaceyl oo ku saabsan wiil iyo waalidkiis, balse mid walba wuxuu doonayaa inuu taas iska iloobo 90-ka daqiiqo ee la joogo waqooyiga London, waxaana la sugi doonaa wixii caawa dhaca.
Farqiga u dhaxeeya labadaan kooxood waa 3-dhibcood, Spurs waxey 26-dhibcood la fadhisaa kaalinta 7-aad halka Blues ay kaalinta 4-aad la fadhiso 29-dhibcood.




