Ciidamo Cusub Oo Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Gaadhay Baladweyne
Ciidan cusub oo ka socdo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa soo gaadhay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo bedel u ah Ciidan horey ugu sugnaa magaaladaasi, oo dhameystay waajibaadkoodii shaqo.
Guutada Toddobaad ee Ciidanka Militariga Jabuuti ayaa waxay bedelayaan Guutada Shanaad, kuwaas oo dhameystay muddo Xiloodkoodii , sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Amisom.
Ciidanka Guutada Shanaad ayaa ka dhoofay Garoonka Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ka dib markii ay Garoonkaasi ka soo deggeen Ciidanka Guutada toddobaad, sida war saxaafadeedka lagu sheegay.
Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom, Korneyl Maxamed Ibraahim Muuse ayaa si diiran Garoonka Magaalada Baledweyne ugu Sagootiyay ciidanka waqtigoodu dhameystay, iyadoo uu Uga mahadceliyay sida ay waajibaadkooda u guteen.
Ka hor inta aanay is bedelin labada ciidan ayaa Xerada Amisom ee Magaalada Baledweyne waxaa Jimcihii lagu qabtay kulan looga hadlayay kala wareejinta labada ciidan. Kulankan waxaa ka qaybgalay Saraakiisha Ciidanka Amisom ee Gobolka Hiiraan.
Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxay dowladda Somaliya ka caawiyaan arrimaha amniga iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.




