Daawo: Wasiir Bayle oo soo dhaweeyay Warbixinta ay soo saartayHa,adda IMF ,, Sharaxaad-na ka Bixiyay Qaabkay u DhacaysO Dayn Cafintu
Muqdisho(OWN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle aya amarka hore waxaa uu soo dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva Agaasimaha maamulka IMF kaas oo ku saabsanaa meel marinta qorshaha maaliyadeed ee Soomaaliya.
Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomalaiya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa.
” IMF aad iyo aad waxay nagala shaqeeyeen dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, anagoona guulo muhiim ah ku gaarnay Barnaamijkooda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Beyle.
Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaa lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020.
“Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafinlahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka.
Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose Ka Daawo:




