Dagaal khasaare Culus Geystay Oo ka Dhashay Weerar Alshabaab ku Qaaday Ciidamada Kenya.
Dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Shalay ka dhacay deegaanka Qooqaani oo ku dhow xadka gobolka Jubada hoose uu la wadaago dalka Kenya.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ay degaankaas ku leeyihiin ciidamada Kenya.
Waxaa Dagaalka la isku adeegsaday hub aad u culus iyo Qoryaha darandooriga u u dhaca, isagoo socday muddo saacado ah.
Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab uu Ujeedkoodu ahaa inay cagta mariyaan saldhiga ayna laayaan Ciidamada ku sugan balse aysan taasi dhicin markii ay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidamada Kenya ee saldhigaas degenaa.
Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan kaasoo aan illaa hadda tirakoob sax ah laga heynin, waxaana gelinkii dambe ee Shalay degenaa xaalada deegaanka Qooqaani.
Ciidamada kenya kama hadlin weerarkan balse Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay barahooda Internet-ka ku qoreen waxay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani, inkastoo aysan faahfaahin kale bixin.




